Hargeysa(Hubaal):-Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka waxbarashada oo in mudo ah horyaalay golahaasi. Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa xeerka waxbarashada lagu ladhay soo jeedin ay sameeyeen guddi gaar ah loo xil saaray. Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaya ansixinta xeerka waxbarashada ayaa waxa uu yidhi “xeerka ama qabyo qoraalka waxbarashada qaranka somaliland oo ka kooban 137 oo lagu daray soo jeedintii guddidii gaarka ahayd waxa ogolaaday 45 xildhibaan, cidina ma diidin 2 laba xildhibaana way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn, xeerkaasina sidaas ayuuku ansaxay.”
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiillada Oo Lagu Meel Mariyey Xeerka Waxbarashada...