Anagoo ah shacabka Gobolka Saaxil waxaanu halkan ka canbaaraynaynaa in falkii shalay ka dhacay magaaladda Berbera, falkaas oo ahaa in la soo weeraray muwaadiniin u dhashay gobolka saaxil oo duleedka magaalada Berbera ka samaysanayay Maxjar Cusub oo xoolaha lagu xanaaneeyo inta ay dekeda Berbera ka dhoofayaan. Hadaba waxa dhacday in niban hubaysan oo ka soo jeedda Beesha Madaxweyne Siilaanyo ee H/Jeclo ay weerar qaawan ku soo qaadeen maxjarka cusub, nibankaas oo hubaysnaa ka dibna shaqaalihii maxjarka cusub ka shaqaynayay kala eryay iyagoo ku qabtay hubkii ay siteen.
Waxa kale oo shirqoolkan weerarka ka qayb ahaa Maxjarka Indha deero oo ragan hubaysan laga soo abaabulay, maxjarka indhadeero oo ka cadhaysan ganacsatadan xoolaha ee ka baydhay maxjarkiisii,
Hadaba xukuumada madaxweyne siilaanyo waxanu u sheegaynaa in beelaha gobolka saaxil deegaanka ku ah ay iska difaaci doonaan weerarka qaawan iyo deegaameenta aad ka wadaan gobolka saaxil iyo magaalada berbera, wixii halkaa dhibaato ka dhacana aad midhihiina goosan doontaan, waanu ognahay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay wado qorshayaal ay doonayso in beelaha Somaliland ay dagaalo ka dhexhuriso si ay muddo kordhin u samaysato.
Nasib darada dhacday waxa weeye gobolkan Saaxil wuxu gobolada kale kaga wanaagsanaa Odayaasha DAN IYO DUCO, oo inta badan marka gobolka la soo weeraro ka difaaci jiray cadowga, balse maanta odayaashii Dan iyo Duco meel ay jaan iyo cidhib dhigeen lama hayo, waxa la sheegayay oo markii ugu danbaysay lagu arkay Madbaqa Kitchen-ka Madaxtooyadda Somaliland, halkaas oo la sheegay in ay liinmacaanta kula cabayeen marwada madaxtooyada aamina waris, sidaa darteed waa in si deg deg ah laysiga yimaadaa waxa laga yeelayo odayaashaa ka leexday waxii loo doortay, dadkii doontayna dayacay, shacabka reer saaxil waa in ay difaacdaan karaamadooda iyo dhulkooda markasta ay weerarka ku tahay xukuumada madaxweyne siilaanyo oo ku caanbaxday baqyaalada iyo kala qobqobka shacabka reer Somaliland dhexdiisa.
Axmed Yaasiin Godaad