“Fahmi Waa Nin Aanu Saaxiib Ahaan Jirney, Laakiin Waxa Uu Ku Biiray Maamullada Farriinta Wax Loogu Sheego”Xildh. Qabille

0
29

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Maxmed Faarax Qabille oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland, isla-markaana laga soo doorto Gobolka Saaxil, ayaa ka Hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil Haatan Haysta oo uu sheegay inuu wado arrimo aanu xaq iyo sharci midna u lahayn.

Xildhiban Qabille oo maanta saxaafadda la hadlay, kana mid ah Guddida Dabagalka Hantida Qaranka, ayaa uga Digay Badhasaabka Saaxil inuu siku dayo Is hortaagga Shaqo shaqo Guddida Dabagalka Hantida Qaranku dhawaan ugu bixi dooonaan Gobolka Saaxil.

Kaddib Warbixin Musuqmaasuq oo Guddidu soo saartay todobaadkii hore ayuu Badhaasabka Saaxil tilmaamay inay been ka sheegeen isuduweyaasha Saaxil islamarkaana aanay wax cabasho ah qabin Shaqaalaha iyo wakiilada Wasaaraddaha u jooga Gobolkaasi, sidaasi darteedna aanay Guddida Ilaalinta hantida qaranku dib u soo gali doonin Gobolka Saaxil.

 Qabile

“Fahmi waa Nin aanu Saaxiib ahaan jiray, waa Nin Golaha wakiilada ka mid ahaan jiray oo garanaya Waajibaadka iyo XIl gudashada Golaha, laakiin, wuxuu ku biiray Maamulada Farriinta wax loogu sheego ee aan Sharciga waxba ku fahmin” ayuu yidhi XIldhibaan Qabile.

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan Badhasaabka u sheegayaa, anigoo Maxamed Faarax Qabile ah oo Gobolka Saaxil la iga soo doortay,kana mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka cid aanu uga dhawrsanaynaa ma jirto, Guddiduna adigay ku baadhaysaa oo mid kaa hooseeya ayay baadhaysaa oo Hay’ad kasta oo Dakhli ayay baadhaysaa,markaa Askartaada sii diyaarso oo bal inay Calanka Gaadhiga noo sudhan iyo Xilka aanu sidno celiso waa inoo Berbera” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Dhawaan ayey Guddida Dabagalka Hantida Qaranku soo saareen Warbixin dheer oo ay kaga warrameen Hay’ado Dawladda kamid ah oo Musuqmaasuqu ragaadiyey, waxana taasi keentay In hay’ado badani sida fiinta uga qayliyaan Warbixintaas, isla-markaana ku tilmaamaan mid baal martay waddadii loo jeexay oo aan xaqiiqda ka turjumaynin.

Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here