FALANQAYN: Yaa Ku Guuleystey Dooddii Saddexda Musharrax Ee Madaxweynaha Somaliland 2017?

0
412

Waxaa habeen hore hoolka Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa . dooddi ku dhex martay Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI,UCID iyo KULMIYE, Doodda oo fool-ka-foolka ahayd ayaa waxaa iska horyimid Ing Faysal Cali Waraabe, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Iyo Muj. Muuse Biixi Cabdi. Doodda ayaa ahayd mid si toos ah loogga daawanayey dunida dacaladeeda oo idil, taageerayaasha saddexda xisbi Qaran iyo weliba kuwa Afsoomaliga ku hadla oo dhan,  waxay indhaha si adag ugu hayeen qaabka ay doodaasi u dhacdo. wada daadihiyayaasha Doodaasi ayaa ahaa : Weriyayaasha Cali Axmed Raabi (Seenyo) iyo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ka kala hawl galla Telefeeshinada Horn-Cable iyo Saab Tv.

Dooda ayaa u qaybsaneyd laba qaybood, , Isaga oo mid kastaba loogu tallo-galay inuu halkaasi uu ku soo bandhigo.  wax-qabadkiisa uu hirgelin doono . Hadii uu talada dalka ku guulaysto.Waxaana ay u badneyd su’aalo la xidhiidha, waxa xooga lagu saaraayo ama waxa la waydiiyey Musharax kasta wuxuu rabo inuu ka qabto Arrimaha Masiiriga ee hadda taagan. Haddii ay tahay: Dhinaca Waxbarashada Asaasiga ah iyo midda tacliinta sare; Dhalinyaradda iyo Shaqo la’aanta haysata; Xuquuqul insaanka , Dadka laga tiradda badan-yahay sida curyaamiinta, Beelaha lahayb-sooco , Haweenka ; Arrimaha Sixir bararka ,Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Amniga , Maalgashiga , Aqoonsiga JSL iyo Wadda-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland Iwm.

Dooddu, waxaa ay markiiba ku billaabantay jawi aad u degan oo saddexda musharax ay ku qaabileen madasha furfurnaan, dabacsani iyo dhoolo cadayn, iyadda oo ay ka muuqatay :  In ay si mug-leh ugu soo diyaar-garoobeen , Habkii mid walba dhankii uga qeyb qaadan lahaa doodda, Iyaddoo ay sidaasi tahay:  Hadana Saddexda Musharax  waa ay ku kala gedisanayeen sida ay ku qaabilayaan Su’aalaha la weydiinaayo iyo weliba qaabka  jawaab celintoodu ka sameys-nayd.

Dhinaca kale Musharixiinta ayaa midba kan kale ku eedaynaayey qorshihiisa siyaasadeed iyo inuu waxaa uu kaga duwan yahay kan kale, Waxaana dooddu ay banaanka soo dhigtey sidda midba uu kaga duwan yahay kan kale.

Bal Haddaba innaga oo kor ka xaadis ku samaynayna , isla-markaana taabanayna meelihii ugu mudnaa in wax laga tilmaamo aynu saddexda Musharax  midba goonidiisa  u abbaarno dooddii iyo qaabkii uu madasha la shir yimi iyo aragtidiisa siyaasadeed ee uu ku qaabilay Bulshaddii daawanaysay.

MUSHARAX , Inj. FAYSAL CALI WARAABE

Musharaxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa  waxa uu lahaa Aftahanimo, Kalsooni iyo Waayo-Aragnimo doodeed oo hore. Isagoo isku xidhayay jawaabta iyo shaqsiyadiisa. Laakiin Wax culays ah jawaabtu kumay lahayn ama muu saarayn waxay ku ahayd inta badan  la qabsi degdeg ah, Iyaddoo ay doodiisu u badneyd in uu weerar ku qaado labadda Musharax ee kale.  Taasi oo u eekayd weerar qaawan. lakiin dhinaca kale Musharaxa xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe ,Ayaa intii uu doodda ku jiray waxaa ka muuqatay dhiiranaan iyo soo bandhigidda dhaliilaha labadda musharax iyo siyaasadda xisbiyadooda.

Isagoo mar marka qaarna u boodayey mawduuca laga hadlaayo mid ka baxsan ama ka duwan amaba kaba  dhumuc -weyn. sidda waxaan dalka ka dhigayaa fur-furaanta dimuquraadiyadda wadankii aan ku noollaa oo dhawr boqol golle degaan (county councilers) , Inta badan jawaabihiisu way fiic-naayeen.  laakiin waxaa ka maqnayd in aanay ahayn wax-badan waaqaca ku saleysan S/land”Sababo badan oo jira awadood .  Ing Feysal dhinaca kale waxaa uu muujiyey doorkiisa mucaaradnimo,  Isaga oo markasta Bulshadda u soo ban-dhigaayey . Barta ay wax laga sixi karo iyo waxaa uu  ka duwanyahay labadda Musharax ee kale.

MUSHARAX MD CABDIRAXMAAN MAXAMED “CIRRO”

Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi :  aad ayuu ugu fiicnaa dhinaca Asluubta doodda ,iyaddoo weliba lagaga horeeyey wax-badan, Xisbi Mucaarad awood leh ayuu ahaa, fursaddo badana way ugu jirtay doodda.Waxaa ka muuqatay diyaar-garow la’aan iyo Fahanka su.aasha oo ku adkaa. xaga Aftahanimadda iyo jawaab aan degdeg ahayn waa lagaga horeeyey. taasi oo ku keentay . Wakhtigiisii oo aanu ka faa,ideysan.

Isagoo waqti badan ku lumiyay sharaxaaddo badan oo aan loo baahnayn , halka  jawaab kooban oo qodobaysan uu ka dhiibi lahaa. Inta badan wakhtigiisu wuu iska khasaariyey.Waxaa badiba doodiisa ka muuqatay in aanay cabir siyaasadeed ku qotamin ama aragti fog oo uu u leeyahay hoggaamiye ka fekeraaya kasbashada shacabka.

Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” waxaa uu doodaasi  tahli-kari waayey in uu soo bandhigo Bulshadda , inuu aragti fog uu leeyahay himilo hoggaamineed oo kale  oo uu ku maamulo dalka.madaama uu ahaa Gudoomiyihii Golaha Wakiiladda.

MUSHARAX  MUJAAHID MUUSE BIIXI CABDI.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi.ahna murashax Madaxweyne,ayaa isaga doodiisa ku qaabilay si degannaan iyo dhoollo cadeyn ku jirto , Wuxuuna ahaa musharaxii ugu fiicnaa Fahanka Su.aasha iyo Qodobaynta jawaabtaba,Waxuu awood lahaa Feejignaan iyo Maskax furnaan . Isagoo jawaabta su,aalihiisa hore ku xidhaayey kuwii ka danbeeyey,Wakhtiga ayuu aad u dareensanaa muhiimadiisa . Waxuuna jeediyey jawaabo macquula oo qorshayaashoodana xambaarsan.

Waxuu ahaa Musharax:  ay ka muuqatay Waayo-Aragnimo. Taariikh iyo Wax-qabad uu dheer yahay musharaxiinta la doodaysay, siiba hawlaha Amniga oo uu cadeeyey inay cadaaladda iyo Amnigu isku xidhanyihiin . taasi oo uu ka helay doorkiisii iyo waayo aragnimadiisii nabadaynta somaliland uu ka soo qaatay.

waxaa uu soo bandhigay inuu yahay siyaasi leh aragti dheer oo qaranka lagu Horumarin karo, waxaana uu marwalba si taxadar leh uga fakeraayey hadalka uu odhanaayo . si aanay Bulshada saameyn ugu yeelan, isaga oo mar walba ay ka muuqatay in uu qaab hogaamiye uu ku cabiraayey fikirkiisa doodda ku taxaluqa.

Dhaliilihii Doodda:- Dhaliilo dhawr ah way jireen , kuwaasi oo isugu jiray. kuwo dhinac farsamo ama sida loo hagaayey doodda . sida marka su’aal kasta lagu soo cel.celiyo sadex jeer oo isku mid ah, taas oo laga maarmi-karaayey. Dhinaca kale Ma jirin su’aalo shakhsi ah oo si gaar ah loo weydiiyey Musharixiinta . Iyadda oo la raacayo taariikhda iyo  sooyaalkoodda siyaasadeed oo ay ku kala- duwanyeen , su’aalaha waxa ay ahaayeen kuwo guud oo  la-wada weydiinayo Musharixiinta oo dhan.

Faa.iidda Doodda .Doodda waxay ahayd mid sumcad u soo jiiday Somaliland , isla-markaana cilmiyaysan oo marka loo eego.  bilow ahayd oo aan qalad saas u weyn hadana ka dhicin, iyaddoo  shacabka Somaliland  si weyn ugu dhursugayeen kala duwanaanshaha sadexda masuul, dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ayaa doodaha noocani  oo kale ah qiimo weyn ugu fadhiday shacabka Somaliland ee iyagu kala socday Telefishanada wadanka iyo Caalamka si aad u weyn ayaa loo xiiseeya doodaha ay iskaga horyimaadaan Musharixiinta caalamku.

Maxaa loo baahnaa:- Ma jirin su’aal guud oo ka soo qayb-galayaashii ama daawadayaashii Barnaamijka la weydiiyey, taas oo ku saabsan Musharaxa ay u arkaan in uu ku guuleystey doodii loo qabtey musharixiinta. laakiin waxay ahayd guul aad u wayn Somaliland gaadhay waana.midii ugu horaysay ee ka dhacda guud ahaan geyiga Geeska Afrika.waxaana guusha u weyn gaadhay Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan dadkeedda, Sadexda xisbi qaran , Hanaanka iyo bisaylka dimuqraadiyada Somaliland.

Qiimaynta Sadexda Musharax iyo jawaabahii ay bixiyeen: Waa laga yabaa qofkastaa inuu yidhaahdo Musharaxaasi baa ugu fiican. isagoo aan wax falan-qeyn ama cabira inoo sheegin. laakiin dooddu waxay ahayd mid si weyn loogu kala duwan yahay, sida aan hore u soo sheegay.

 

Musharax Cabdiraxmaan Cirro : Waxaa dhibaato ku ahayd in uu dadka deeqsiiyo Aragtidiisa Siyaasadeed ee Xisbiga Waddani.  isagoo  lagu tilmaamay inuu yahay Siyaasi iyo Xisbi “Socod Barad ah ” kuna cusub yahay saaxadda Tartanka doorashooyinka Madaxtinimadda JSL.

Musharax Inj. Faysal waxa uu ahaa musharax iska kaftan badan , una muuqday inuu yimid in uu ku ciil baxo doodda oo ahayd fursad qaaliya ah oo soo martey, Iyaddoo ay doodiisu u badneyd in uu weerar ku qaado labadda Musharax ee kale Taasi oo u eekayd weerar qaawan ee kale .

Musharax Muuse Biixi : Waxaa intii uu dooda lagu jiray, uu la yimid dood ka duwan labada musharax ee kale .taasi oo ay ka muuqatey Biseyl, Deganaansho iyo Dulqaad.  isagoo muujiyey in uu leeyahay Aftahanimo iyo karti hoggaamineed oo uu ku kasban karo Bulshada Somaliland , Waxaa la odhan-karaa karnaa waxaa guushu ku raacdey Muj Muuse Biixi.

 

Qalinkii: Adan Yusuf Elmi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here