Noocyada Dulucda iyo Nuxurka uu Xambaarsanaan Karo Heshiiska
Garyaqaan Maxamed Axmed Daahir (Maxamed Baxsane)
Kadib, markii aynu hore u soo falanqeynay Hilinka Dheer ee Hanashada iyo Ka-midho-dhalinta Hantida Qaranka & Kaabayaasha Dhaqaale, ayaa maanta waxa ila habboonaatay inay is-weydiino muxuu noqon karaa nooca heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gali karto DP World? Haddaba, haddii aynu isku dayno inaynu sharciyan u falanqeyno heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay DP World. Markaynu sii qodno sharciyan heshiisyada noocaas ah, waxay dulucdiisu ay tahay noqonaysaa xeer-nidaamiyeyaasha dawliga ah iyo awaamiirta la xidhiidha hawlgalka DP World iyo unugyada matela, kuwaasoo nooc ahaan noqon kara:
#) Heshiis ah mid ku tagri-falid kaaba-dhaqaale oo huwan isticmaal hanti iyo qalab qaran.
#) Heshiis ah mid qeexaya maqaamka hawlwadeennada iyo mas’uuliyadaha saaran DP World iyo dhiggooda Somaliland.
Markaynu heshiiska tafaftirno, waxa uu ku salleysan yahay wareejinta hanti ma guurto ah oo dawli ah iyo suggidda maqaamkooda. Sida; goob ka mid ah gaadiidka badda ee Somaliland, goob dekadeed oo u adeegta hawlaha maraakiibta iyo goob cashuuraha ka caagan.
Sidoo kale, waxa iyaduna meesha ku jirta isticmaalka ku-simmida iyo igmadashada la xidhiidha maareynta iyo hagista hantidaas qaran ee aynu soo xusnay. Waxa kale oo soo raacaya qorsheynta dhismayaasha ma hurraanka ah ee la xidhiidha hawlgalka DP World iyo qalabkooda.
Isku soo wada duuboo, heshiiska ay dawladda Somaliland la gashay DP World waxa uu yeelan karaa wejiyada kala duwan ee kala ah:
#) Casriyeynta iyo qalabaynta dekadddii hore
#) Qorsheynta goob cashuurta ka caagan
#) Ballaadhinta iyo dhismaha marso cusub (ee u gaarka ah dhinaca koontiinarrada)
Heshiiskan waxa uu daba-socdaa waan-waan iyo wada-xaajoodyo dahsoonaa oo la xidhiidha aasaaska shirkad caalami ah oo hadda jilayaashoodu inoo soo if-baxeen, kadib markii heshiiska si rasmi ah loo kala saxeexday, kuwaasoo kala ah; Mulkiile [Somaliland] iyo laba xaqle oo kala ah DP World iyo hay’adaha u qaabilsan Ethiopia gaadiidka badda iyo hawlaha Maraakiibta ee (Ethiopian Shipping Lines) iyo (Maritime and Transit Service).
Dhanka kale, waxaynu wada ogsoonnahay in gacan-ku-haynta hoggaanka iyo maamulka shirkadda uu ka kooban yahay toddoba xubnood oo ka soo kala jeeda Somalilanders iyo dhinaca DP World oo aanay ku jirin Ethiopia, haseyeeshee ah gacan saddexaad oo danaynaysa heshiiska (customer/isticmaale).
Waxa kale oo heshiiskani muujinayaa inuu qaranka Somaliland uu xayn wax-ku-ool ah uu ku leeyahay gashiga iyo saami-soorka shirkadda, inkasta oo ay habboonayd markaynu ka duulno istaraatijayadda iyo ahmiyadda Dekadda Berbera inay Somaliland yeelato kadin ka badan boqolkiiba konton (50%).
Turaabtaa sharciyeed aynu soo tafaftirnay, waxa kale oo dheer hawlgal u gaar ah xukuumadda Somaliland iyo golayaasheeda qaranka oo lagu dajiyo dhammaan shuruuc, awaamiir iyo xeerar uu ka duuli karo sharciyan heshiiska laftiisu, kuwaasoo noqon kara; qaar dastuuri ah, qaar madani ah, qaar KIRIMINAAL iyo kuwa la xidhiidha cashuuraha oo tiir sharciyeed oo rasmi ah u noqon kara.
Ugu dambeyn, waxa is-weydiin leh, siday xukuumadda Somaliland isu-waafajin lahayd hawshaa culus ee la xidhiidha arrinkan isaga ah iyo ajandayaasheeda siyaasadeed, bulsheed iyo doorashooyin ee horyaalla.