Falsafad Biimaysan Oo Bulshada Lagu Soo Dhex Tuuro

0
55

  W/Q:  Xasan M. Cismaan

Qoraaga iyo suxufigu bulshada waa u dhex! Waana u udub dhexaad waana isha shacabka ” ama bulshada! Waxa se aad mooddaa inay imika soo badanayaan, qoraa ama suxufi ka aradan intaba jecelna innuu afkaartiisa ama falsafada uu Aaminsansanyahay duu – duub kugu liqsiiyo. Maxaa u sabab aad is odhan kartaa.? Waxad arkaysaa shaqsi wax qora oo qoraalkiisa bulshada aad u soo jiito, shaqsigii bulshadii soo dhawayn iyo amaan iyo buun buunin fara badan buu ka helayaa, waxay u noqaysaa dhiirigalin, iyo inuu halkii ka sii wado wixii uu amaanta ku kasbaday, ! Bulshadu marba marka ka sii danbaysay u sii hiloobaysaa u sii hamuumaysaa, maalin walba iyo marwalba waxay daalacanayaan ama indhaha la raacayaan, wixii ay shaqsigan qoraaga ah. ama suxufiga ah. Ugu barteen, “

waxay isku hawlayaan booqashada page-gka uu qofkani wax soo dhigo, iyaagoo hilowgay horay u qaadeen iyo hamuumtuu baday, maanka ku haya, dhana qimayn iyo qadarin ka wada, ayay markaliya ku hanbarayaan waxaanay markaliya maanka soo galin ama aanay macquul u arag, oo uu ku haddaaqayo shaqsigay horay u mahadiyeen, yaab an fariir iyo af kala qaad iyo u qaadan waa “

! Tolow maxaa is badalay? Maxaase u cuntami waayay bulshaddii weheshanaysay, warar hufnaanta iyo qalinka toosan? Maxaa kala irdheeyay bulshadiyo qoraagii uu qalinkiisu quudka ahaa ? Maxaa kala weeyay shacabkiyo suxufigii samaha lagu manaysteey wararkiisa la saaxiibka ahaayeen mar ay subaxda hore noqoto iyo mar ay saqda dhexe ku seexdaan? Waxa lays odhan karaa Afkaar i ama Aragti ” Haba noqotee yaa ku kacay. Ma labadan fariin Tabiye Mise bulshada? Xaqiiqdu waxay tahay. Waxa ooda jabiyoo intii loogu talo galay dhaafay, labada fariin Tabiye. oo Maxaa ooda dhaafiyay Adeegay-ba ahaayeene? oo ayay u Adeegayeen? Bulshada ama shacabka. ” oo Maxay ugu Adeegayeen? Qalin loo qushuucay iyo warar looga qaateen ah. oo Maxaa qarda jabiyo qudha ka jaray, Wixii loo qushuucee qarwiyee quudka loo qondaystay?

Labadan ilood ee fariin Tabiye, Marka maanka saxda ah la Adeegsado way ka madax banaanyihiin aragti shaqsiyadeed, ama Afkaar biimaysan, ama falsafad la soo min guuriyay, oo bulshada lagu soo dhex Tuuro, Ku Adkaysi iyo anaa saxana xal la Moodo, Balse hadda ilahan qaarkood haddaad u kuur gasho, waxaad ka faa,idaa waa Waa aragti shaqsiyadeed oo malabaysan ila marana lagu ladhay. Waxaad is odhanaysaa qoraagii wayna ee laga daba dhacay, bal booqo wuxuu badka soo dhigay, maanta Ma xuma waabad booqatay Adigoo aragti codoon iyo aqoon korodhsi maanka ku sii dhitaystay,

aqoon korodhsiguba Waa nasteexe waxaad ugu Tag – taaba waa ayaan daro eelkeega wadata! Waxad is odhanaysaa waakaa waryihii wacnaa ee wararka hufnaa Waakaa caawa labada iridood dooda dhex dhigee Bal indhaha la raac aad ku ildoogsatide! Waadigaa indho beelba inyar u jirsaday.! Tolow Ma dood baad daawanaysay, Mise dhex-dhexaadiye ” Aragtidiisa ku dabaqaya Bal-Aba.

 W/Q Xasan M. Cismaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here