Waxa dhawaan laguso bandhigay magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya, buug la yidha “Xadka Ridada Maxa Ka Run ah”, kaas oo uu qoray, qora Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Siciid, qoraagan oo si baal marsan shareeda Islaamka uga hadlay tuducyadu ka darjidhay.
Hoos ugu daadagi maayo buuga iyo waxa uu ka hadlayo oo waxa inagaga filan Sheekh Maxamed Cabdi Ummal Illahay ha xifdiyo’e sida qiimaha leh ee uu uga hadlay buugan.
Falsafadda dabada ka riixaya buugani waa afkaar Calmaaniyadaysan oo rag la dhalaan rogay maankooga laynogu so dhex marayo. Cabdi Siciidna uu qayb ka yahay dardar gelinta mashrucan.
Waxaynu ahayn Soomaali ahaan, dad reer guuraa ah, xadaarada aduunyada waxba kala socon, aragti kasta oo uu cusub so dhaweeya, ifafalayn iyo falanqayna ka maaga, uu liqa sida midhaha darayga, ka dhaliilana ku sheega maan-gaab aan halka laysla marayo waxba ka ogayn.
Ummada Soomaaliyeed waxay so martay marxalado kala duwan oo dhibaato ugu filan, se hadda waxa so kordhay inti lagu faanayey ee duunyada lo huray, si midho dhal u yeeshaan, ay noqden qaar lagu hungobo, waliba laga baqo-qabo afaadooda afkaareed.
Waayadan waxa kuso badanayey goobaha lagu sheekaysto ee mujtamaca Soomaalidu ku kulanto (Face-book, Twitter, Skype, iwm) da’yar xambarsan fikrada Calmaaniyada, iyaago isu dhigaya aqoon yahano ilbaxay, doonayana in sidooda laga xoroobo diimaha. Khaas ahaan diinta Islaamka oo iyagu kuso caano qaateen.
Waxa calanka u sida raggan afkaartaa faafiya qoraaga Nuuradiin Faarax. Nuuraadin Faarax oo dhawr jeer qaatay abaal marino uu ka helay dunida galbeed. Taas oo laga dharagsan yahay sababtu ku mutaystay inay tahay indha adaygnimada uu diinta Islaamka ku duray ee uu bugaagta uga qoray arimo birma-geyda ah sida Xijaabka oo si idha la’aan ah iyo waliba aqoon daro ka muuqato uu u daadifeyey.
Hadda aaladaha aynu carabaabnay waxa ka dhex muuqda da’yar aad ugu dayata afkaarta qaloocan ee uu macalinka ku yahay Nuuradiin Faaarax.
Waxay isu dhigaan in maankoogu xoor yahay, iyaago uu afduuban mabda’ kali ah (Calmaaniyad), waxay isu dardaraan la dagaalanka diinta iyo culimada uu heelaan faafinta iyo barista diinta Islaamka. Waxay la taagan yihiin dhalecayn aan kala hadh lahayn oo culimada magacyo kala gadisan lo bixinayo. Iyo in mujtamaca Soomaaliyeed laysku dhufto culimada, iyado maalin walba wadaad la dul baxay, laguna baacsanayo wax aanu samayn.
Waxa mudan in laga fejignaado aafada raggan ku maxaafsanaya dhaliilidda diinteena xaniifka ah. Hadh iyo habeen u taagan sidi inta maangaabka ah tushuush ugu furi lahayeen. Masaa’isha khilaafiga ah dadka ku jaah wareeriya. Meelo badan oo laga dharagsan yahayna si idho la’aan ah u daadifeeya, sida tan oo kale oo laba xadiis oo saxiix ahi kuso arooreen iyo ijmaaca culimadu. Haddana mashqac la gelinayo tushuush lagu abuurayo.
Da’yarteenaa inagaga irdhowday afkaartan qaloocan waxaynu leenahay waar inaad mabda’ u af dubnaata xornimo maaha. In wax cid kala haysana aqoon u qadata fikir san maaha. Dib isugu noqda intaydaan ar-dambe farta dib u qaninnin. Illahayna ka baqa.
Sido kale inta akhrisata qoralada raggan dar-jdhay ee u haysta in aqoon lagu gaadhayo, waxaynu leenahay horta jiraba kuso hungow. Ee haku kadmina nimankan dabada laga riixayo.