Muqdisho(Hubaal) koox hubaysan ayaa goor dhaweyd dishay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ahayd Fanaanad caan ka ahayd gayiga Somalida
Alla Ha u naxariistee Saado Cali warsame waxa lagu toogtay meel u dhaw Hotelka Ambassador ee jidka Maka al mukarama oo ay deganayd.
Kooxda Dilkeeda geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugayeen meel u dhaw Hotelka, halkaas oo markii ay arkeen rasaas ku fureen, waxaana isla goobta ku geeriyooday iyada iyo Dirawalkii gaadhiga u waday.
Kooxda Dilka geysatay oo wadatay gaadhi wadada taagnaa ayaa lagu soo waramayaa inay isla markiiba baxsadeen.