Hargeysa (Hubaal)- Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Xiddigaha Geeska, ayaa iyagoo aad uga tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timi Allaah ha u naxariistee Fannaanaddii caanka ahayd ee Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Arbacadii Koox hubaysan oo Al-Shabaab ka tirsani ku dileen magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya, waxay Tacsi u direen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) ayaa qoraal Tacsi ah oo ay uu na soo gaadhsiiyey kaga hadlay geerida naxdinta leh ee kutimi Saado Cali Warsame. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:- “Innaa-Lillaahu Wa-Inaa Illayhi Raajucuun!Kooxda Xiddigaha Geeska oo Tacsiyadeeyay Geerida Saado Cali Warsame.
Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), isagoo ku hadlaya afka kooxda Xiddigaha Geeska waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehlada, qaraabadda iyo bahda fanka ee ay ka baxday fannaanadii Saado Cali Warsame oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia.
“Anigoo ka wakiila kooxda xidigaha geeska waxaan mar iyo laba iyo sadexba ka tacsiyadaynayaa ehelkii iyo asaxaabtii , qaraabadii iyo shacbiga soomaaliyeed ee ay ka baxday Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaalida. Waxaanan si gaara uga Tacsiyadaynayaa Bah-waynta fanka meel ay joogaanba.
Kolay saado cali warsame geeridu waxay ku soo xaatirtay wakhtigiii rabi xugmiyay- wax kale odhan maayo ee ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo Bil barakaysan ayay geeriyootay.-waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariista jano la kulansiiyo. Aamiin aammiin.”
Xasan Saleebaan Dhuxul
Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska.