Madaxa Kooxda Xiddiga geeska oo Cambaareeyey Xadhiga Afar Fannaan oo Muqdisho ka soo laabtay
Hargeysa(Hubaal)-Ciidanka Ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar kamida Fannaaniinta Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, kuwaasoo socdaal kaga soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaasoo ay Bandhig-fanneed ku qabteen Munaasibadii Ciida ee todobaadkan.
Guddoomiyaha Kooxda xidigaha geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax oo Warbaahinta la hadlay xaqiijiyay xadhiga fannaaniinta kala ah Xamda-Queen, Maxamed- Cirro, Nimcaan-Hillaac iyo Cabdiraxmaan-Oday.
Abwaan Laab-saalax ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga Fannaaniintan, waxaanu ku tilmaamay arrin ka soo horjeeda xoriyaadka aasaasiga ah ee Muwaadiniinta. Afhayeenka u hadlay Shirkadda Xidigaha Geesku waxa uu dawladda ugu baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo afarta Fannaan ee la taxaabay.
Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay xadhiga Fannaaniintan, kaasoo lagu faahfaahiyey asbaabaha loo cuskaday xadhiga Fannaaniinta. Hase ahaatee maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loo xidho xubno kamida Kooxda oo socdaal shaqo ku tegay Muqdisho.
Ugu yaraan laba jeer oo hore ayey dawladdu xidhay xubno kamida Kooxda sanadkan iyo kii ka horeeyey ee 2014-ka.
Bishii dabaayaqadii Bishii Jully ee sanadkan ayay ahayd markii Booliska Madaarku wakhti kooban Xidheen Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Barmaamuj-fanneed ka dhigay Muqdisho Munaasibadii Ciidal-fidriga.
Heshiis ay dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya wada gaadheen sanadkii 2012-ka bishii Feberuary ayaa dhigayey inay labada dhinac isu furaan isu-socodka Bulshooyinka labada dhan, waxaanay taasi meesha ka saartay dabar adag oo muddo dheer ku xidhnaa Siyaasiyiinta iyo hormuudka Bulshada ee isaga safraya Muqdisho iyo Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee xadhiga fanaaniintan ayaa yimi xilli maalmihii ugu dambeeyey hadal haynta tegitaankooda Muqdisho uu bulshada ka dhex guuxayey, isla markaana Mareeha Bulshadu ku xidhiidho loo marinayey fariimo loogu han-jabayo marka ay Hargeysa ku soo laabtaan.