“Waxaanu Suurto Gelinnay Qalabka Faraha Ee Keydinta Dembiyada Culus….Hargeysa Waxaanu Ka Hirgelinay Afar Saldhig Oo Bulshada Iyo Ciidanku Ku Xidhiidho” Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan
Hargeysa (Hubaal) Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylaci ayaa shalay Ka Qayb galay xaflad ballaadhan oo lagu xusayay sanad Guuradii 23 ee ka Soo Wareegtay Markii Ciidanka Booliska Somaliland Dhidibada Loo Taagay oo ku beegnayd 03-dii Nov. 1993-kii. Xafladda xuska aasaaska ciidanka booliska oo lagu qabtay taliska bilayska ee magaallada Hargeysa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro,Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka Socday Hay’addaha Wada Shaqaynta La leh ciidanka Booliska iyo Marti Sharaf kale oo badan. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay sanad-guuradii 23-aad ee Booliska Somaliland ayaa sheegay inuu ciidanku soo maray marxalado kala duwan maantana taagan yahay meel uu dhisan yahay oo ciidanku sugi karo amaanka Bulshadu ku hurudo. “Mudane Madaxweyne, iyada oo aynu maanta [shalay] xusayno sanad guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynnu la soo noqonnay madax-bannaanideenna, Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican. Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu hadh iyo habeen heegan ugu jiraa gudashada waajibaadkiisa qaran ee uu bulshadiisa ugu adeegayo si ay ugu naalooto nabad, degganaansho iyo xasillooni ku salaysan shuruucda iyo caddaaladda. Waxa Boolisku hadda ka hawlgalaa 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku. Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Bilayska JSL waxaa uu dhiinaca kale faahfaahiyey waxyaabaha u suurto galay in uu horumarinta tayada iyo aqoonta ciidammada bilayska ku soo kordhiyo muddadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay inuu dhisay Ciidanka Booliska,Qalab ahaan Dirays ahaan iyo Mooraal Ahaanba madaama oo ay ciidanku leeyihiin kala danbayn taas oo ay xaga gadiidkana ka dhisan yihiin “Sanadkan waxa aanu suurto galinay fingarka oo ah qalabka loogu tallo galay faraha iyo kaydinka danbiyada oo iyagan loogu tallo galay in lagu kaydiyo danbiyada culus ee soo gala saldhigyada dalkan oo dhan,waxaanan Hargaysa ka hirgalinay afar saldhig oo loogu tallo galay xidhiidhka bulshada iyo ciidanka. Fadal ayaa sidoo kale cadeeyay in ciidanku sanadkan hawl galada ay fuliyeen ay ka mid ahaayeen Sugida Amaanka Diwaan Galinta Iyo sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qateen soo af jarida shaqaaqadii ka dhacday gobolka sanaag siiba degmada ceel afwayn,waxaana uu in ciidanku dhisan yahay isla markaasna ay hawl galo ay sameyeena ku qabteen tahriibayaal itoobiyaan ah oo dalka si sharci daro ah ku soo galay. Geesta Kale Waxa isna Halkaasi ka hadlay isla marlkaana soo jeediyay Falalkii DHacay Sanadlkan Hogaanka Howgalinta Ciidanka Gaashaale Sare Maxamuud Ducaale Waxan Uu Yidhi “ Mudane Madaxweyne Ku Xigeen Sanadkan Marka la Eego Falalka iyo dambiyada dhacay way ka Badanyihiin Sababo Jira Awgeed Haday tahay Gawaadhidii oo Badatay dadweynihii Oo Batay” Ayuu Yidhi Gaashaale Sare Maxamuud Ducaale