Faraca Jaamacadda ADMAS Ee Hargeysa Oo U Dabaal-degtay Laba Farxadood Oo Wejiyo Badan Kulmiyey

0
32

ADMAS Unibersity Hargeisa COMBUS Oo Toban Jirsatay Iyo Dufcaddii 8aad Oo Ka Qalinjebisay

admas-graduation-cermonyHargeysa, (Hubaal) – Dufcadii sideedaad oo ka kooban 414 Arday ayaa shalay ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa, taas oo munaasibadii Qalinjabinta Ardaydaasi ay kala soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, waalidiinta Ardayda, Masuuliyiinta Jaamacada Admas iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

414-kan Arday ee Jaamacada Admas ay Munaasibada Qalinjabinta ugu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa bartay culuumta in ka badan todoba Kulliyadood oo ay jaamacada Admas bixiso oo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Project Planning,  Banking and Finance iyo kulliyado kale.

Xafladdan loo qabtay Ardaydan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayay si weyn ugu riyaaqeen qaabkii loo soo agaasimay qaybihii bulshada iyo dawlada ee ka soo qaybgalay munaasibadii loogu hambalyeynayey ardaydaasi ka qalinjabisay Jaamacada Admas faraceeda Hargeysa.

Waxaana intii munaasibadu socotay hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaamacada Admas ee Hargeysa Mr Ixsaan Cumar Ismaaciil oo hoosta ka xariiqay in mudo toban sano ah ay jirto jaamacada Admas ee Hargeysa, isla markaana tirada ka baxday ay ka badan yihiin 3500 Arday.

Waxaana sidoo kale halkaasi khudbado Hambalyo iyo dardaaran ah ka jeediyey Gudoomiyaha Admas qaybteeda Addis Ababa, Aasaasihii Jaamacada Mr Axmed Daahir (Cadnaan), iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Mr Jamaal Cali Xuseen, Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, Xildhibaano Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland iyo martisharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil kaas oo sheegay in maanta ay Jaamacada ka qalinjabinayaan dufcadii sideedaad oo tiradoodu ay dhantahay 414 Arday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wasiirada Xukuumada Somaliland, hogaamiyeyaasha asxxaabta qaranka, masuuliyiinta kale, cuqaasha salaadiinta, waalidiinta iyo wakiilka safaarada Ethiopia u fadhiya Somaliland iyo dhamaan ardayda qalinjabinaysa iyo bahda jaamacad Admas qaybta Hargeysa iyo qaybta Addis Ababa waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka.

Waxa sharaf ii ah inaan idinku soo dhaweeyo munaasibadan qaaliga ah, waa xafladii qalinjabinta dufcadii sideedaad ee jaamacada Admas, waxa ay guud ahaan tirada ardayda qalinjabinaysaa ay dhantahay 414 Arday, kuwaas oo boqolkiiba 38% ay Hablo yihiin, halka boqolkiiba 62% ay Wiilal yihiin.

Waxa ay ka kala qalinjabinayaan qaybaha kala duduwan ee ay ka midka yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher and urban planning, Project Planning,  Banking and Finance, Distance Learning oo loogu talo galay dadka shaqaysta ama shaqaalaha ah.

Waxa kale oo aan hambalyeynayaa dhamaan waalidiintii ku soo tacabtay in ardaydani ay gaadhaan maalintan maanta ah. Xafladan qalinjabinta sanadkani waxa ay ku aadan tahay sanadguurada tobnaad ee xiligii la aasaasay jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa. Mudadii tobanka sanadood ee ay jaamacadani jirtay waxa ka qalinjabiyey araday ka badan 3500 Arday oo dhamaantood kaalin muq leh kaga jira horumarka iyo dib u dhiska loogu jiro Somaliland, ha ahaadaan kuwa ka shaqeeya xafiisyada dawlada, kuwa ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, shirkadaha waaweyn ee gaarka ah, gaar ahaana ardayda ka qalinjabisay jaamacada ee Hal-abuurka la yimid bilaabay ee ku guulaystay inay dhalinyar kale furasado shaqo u helaan.

Mudaneyaal iyo marwooyin jaamacadu intii ay jirtay waxa kale oo ay ka qaybqaadatay inay deeqo waxbarasho tiro arday ah oo aad u farabadan ay siisay aradaydaasi oo imika qaarkood intay master-tii duniada kale ka dhamaysteen PHD ay hiigsanayaan.

Waxaan maanta mar labaad iyo mar sadexaad aan u hambalyeynayaa aradayda halikan fadhiyeen, ardayddaasi waxaan leeyahay markii ay waxbarashada bilaabayeen sadex sano iyo afarsano ka hor in tiradoodu ay libin laabnaysay, balse intani waxa ay yihiin kuwii ku guulaystay inay sanadkan gaadhaan oo ay qalinjabiyaan.

Waxaan leeyahay dedaalkiina halkaasi ka sii wada, waxbarashadu halkaasi kuma dhamaato, waxaana la idiinka baahan yahay in aad isku kalsoonaataan oo aad keentaan hal abuur aad ku samaysaan business-yo aad idinku leedihiin”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Jaamacada Admas qayteeda Addis Ababa Dr Mulla Zagaie, kaas oo u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee Hargeysa.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Aasaasaha Jaamacada Admas Axmed Daahir Maxamed (Cadnaan), kaas oo halkaasi aradayda uga soo jeediyey, hambalyo iyo dardaaran ku saabsan sidii ay kalkaasi uga sii wadi lahaayeen waxbarashada.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Jamaal Cali Xuseen, musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID waxaanu yidhi “Qofka maalmaha ugu farxada badan noloshiisa waxa ka mid ah Maalinta uu qalinjabinayo oo ah maalinta uu u dabaal degayo guushii iyo dedaalkii uu mudada soo waday, anigu odhan maayo waad qalinjabinaysaan sidii Nuur Daalacay uu halkan ka yidhi ee qalinka ayaad urursanaysaan maanta, si aad tacliin iyo waayo aragnimo farabadan aad usii kororsataan, waxaad is odhanaysaa marka uu imtixaanka jaamaadu kaa dhamaado waar yaa iga dhameeya waan iska nasatide, hadana marka ay mudo (cabaar) ka soo wareegto ayaad Buugii iyo Qalinkii ardaynimadii aad u xaraaroonaysaa oo aad odhanaysaa yaa igu celiya anigu waxaan xasuustaa markii aan sidiina aradayga ahaa, tusaale ahaan anigu afar Degree ayaan qaatay, hadana marka aan dib u eego waxa aan is lahaa mala tan ayaa kuugu dambaysa waxbarashada hadana way sii soconaysuun, waxaan idin leeyahay noloshu markaasay idiin bilaabmaysaa wixii aad barataana waa wax idin anfici doona”.  Ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo munaasibadaasi iyaguna ka hadlay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Cumar Yare, Xoghayaha xisbiga Waddani Maxamed Uurcade, iyo gudoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here