Hargeysa (Hubaal) – Faragalinta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa gaashaandhiga iyo macdantu ka qaylinayaan ee ay leeyihiin UN-ku ha naga daayo miyaanay ahayn waxyaabihii ay Haatuf markay sii saadaalisay ay xukuumadani wargeyskii albaabada ugu xidhay masuuliyiintiisiina xabsiga ugu taxaabtay.
Miyaanay Haatuf hore uga sii digin in musuqmaasuqa hadheeyey heshiisyada shidaal baadhista ee uu masuulka ka yahay wasiirka Macdantu inuu Qaramada Midoobay siinayo fursad ay uga faa’iidaystaan inay amuuraha Somaliland soo faragaliyaan.
Miyaan markii ay Haatuf qortay 28/1/2014 in gudida UN-ka u qaabilsan kormeerista arimaha Somalia ee la yidhaahdo UN Monitoring Group ay danaynayso inay baadhitaan ku samayso hawlaha shidaal baadhista ee Somaliland aanu wasiirka Macdantu isagoo beeninaya warkaas odhan “Guddida anigaa Nairobi ugu tagay waxaanay ii sheegeen in aanu jirin wax baadhitaan ah oo ay hada wadaan iyo mid u qorshaysan mustaqbalka toona”
Miyaan hadana markii ay Haatuf 6/4/2014 ka digtay cawaaqib xumada kaga iman karta dalka Somaliland musuqmaasuqa uu wasiirka Macdantu ku maamulayo heshiisyada shidaal sahaminta iyo soo saarka aan maalintii ku xigtay wargeyskiiba la xidhin.
Miyaanay Haatuf war ay ku soo daabacday cadadkeedii 26/12/2013 kaga waramin siday shirkadaha shidaal baadhistu khaatiyaan uga taagan yihiin musuqmaasuqa uu kula dhaqmo wasiirka Macdantu iyo siday uga calool waydsan yihiin inay Somaliland ka hawlgalaan intuu wasiirka Macdanta yahay Xuseen Waji-xun.
Madaxweyne Siilaanyo isaga ayaa ogolaaday inuu gudiyo la samaysto Somalia iyo UN-kaba. Isagaa balaqay albaabadii ay shacbiga reer Somaliland iska awdeen markii ay 18-kii May 1991 Burco kaga dhawaaqeen la soo noqoshada gooni-isu-taagoodii ee wax yar horteed uu Mr Siilaanyo London ku qaybinayey qoraalka soo jeedintiisii ahayd in Somalia ooy Somaliland ku jirto nidaam Federali ah lagu xukumo.
Siilaanyo labadii Madaxweyne ee ka horeeyey dalka kamay jirin ashkhaas ku shaqaysta magaca madaxtooyada, maantana waxa aynu arkaynaa xafiiskii madaxweynaha oo lagu dul shaqaysanayo iyo koox wasiiro ah oo ku faanaya in madaxweynaha Xamar ay wax ka soo dhiseen kuwaas oo uu wasiir ku xigeenkii hore ee Amnigu ‘Cabdilaahi Abokor’ ku tilmaamay niman xagjir ah oo daacad u ah ururo diimeed dalal kale ka dhisan.
Mulkiilayaasha shirkadaha shidaal sahaminta iyo soo saarka waxay ka soo jeedaan dawlado shisheeye oo ilaashanaya raasamaalka iyo hantida ay muwaadiniintoodu galiyeen mashaariicda shidaal baadhista ee ay shirkadahoodu ka wadaan Somaliland.
Dawladuhu iyagoo eegaya danahooga dhaqaale waxay isku dayaan inay shirkadahooda u fududeeyaan sidii ay dalalka khayraadka dabiiciga ah leh ee dunida saddexaad uga heli lahaayeen fursado ay ku maalgashadaan kuna macaashaan sida la soo bixitaanka iyo ka ganacsiga khayraadka dabiiciga ah taas oo ay faa’iido dhaqaale ugu jirto dalalka ay shirkadahaasi ka soo jeedaan.
Hadiise ay shirkaduhu carqalado kala kulmaan xukuumadaha ka taliya dalalka ay khayraadka u soo saarayaan waxay dawladaha ay shirkadahaasi ka soo jeedaan isku dayaan inay culays diblomaasiyadeed, dhaqaale ama xataa milatari saaraan xukuumadahaasi si ay u jooyinaan dhibaatooyinka ay shirkaduhu kaga cabanayaan. Waxa kale oo dhacda in shirkadaha laftoodu khilaafka abuuraan iyagoo doonaya macaash siyaado ah ama waxyaabo kale oo aanay jid u lahayn.
Hadaba markay shirkaduhu gardaran yihiin dawlada waxa ku waajib ah in aanay habayaraatee u habran oo ay talaabo ku haboon ka qaado, laakiinse maxaa la yeelayaa markaynu inagu qaladka leenahay?
Hada waxa jira muran mudo soo jiitamayey oo saddex geesood ah oo wasaarada Macdanta, shirkada Ansan iyo shirkada EARG isku haystaan dhulka Block 19 iyadoo la isku kiraystay qareeno caalami ah.
Hadana wasiirka macdantu wuxuu ilaa hada taagan yahay in arintani aanay jirin waxaanu Haatuf ku eedeeyey inay ka been abuurtay sida ku xusan Xaashida Eeda ee dacwada loo haysto masuuliyiinta Haatuf.
Hadii kolkaasi dawladeenan yar ee Ictiraafka raadinaysa ee cadawga badan lihi ay culaysyo iyo carqalado diblomaasiyadeed kala kulanto dawladaha ay shirkadahaasi ka soo jeedaan oo ay UN Monitoring Group-ka Somaliland ku soo cabeeyaan yaa qaladkaa yeelanaya? Ma Xuseen Waji-xunbaa dalka loo baabiinayaa?.
Miyaanay Haatuf ka digin in Monitoring Group-ku warbixintii ay soo saareen bishii June 2013 ee ay Golaha Amaannka u gudbiyeen ay shirkadaha shidaal baadhista kula taliyeen in aanay heshiisyo la galin maamulada ka dhisan Somalia oo siday aaminsan yihiin Somaliland ku jirto.
Miyaan madaxweynuhu fahmin in cida loo qac-iyodum leeyahay tahay Somaliland maxay xukuumadeenu uga sii tabaabushaysan wayday arintan oo kale isla markaana ay xiligaa warbixintu soo baxday ay guddia Monitoring Group-ka ugu sheegi wayday in aanay Somaliland faraha la soo galin.
Ma hada markay ka hadleen ciidanka loo samaynayo ilaalinta shirkadahaasi ayuunbaa loo jawaabayaa?.
UN-ku bal waxay doonaanba ha sheegaane, shacbiga reer Somaliland ayaaban fahamsanayn oo ka shakisan ciidankan gaarka ah ee la yidhi waxa loo samaysanayaa ilaalinta shirkadaha shidaal baadhista een hadana aan wali la kala ogayn inuu ciidan beeleed yahay iyo inuu yahay mid dawladeed oo gobolada oo dhami ka qaybgalayaan.
Waxyaabaha uu dadku shakiga ka sii qaaday waxa ka mid ah oo kale ciidankii RRU-da ee hore loogu dagay ee sidii loo moodayey ciidan loo samaynayey la dagaalanka argagixisaa la arkay uun iyagoo dadweynihii rasaas la dhacaya.
Waxa xaqiiqo ah in xukuumadeenii ku milantay qawlaysato ruqsadaha shidaal baadhista ee la siiyo iyaguna sii kala sarifta oo kolba qayb ka mid ah ruqsadahaasi la siiyey ku iibiya ama ka iibsada suuqyada lagaga ganacsado saamiyada (shares) shirkadaha ee loo yaqaano (stock exchange market) gaar ahaan suuqa ku yaala magaalada London.
Bal dib u eeg inta jeer ee ay shirkadaha Asante/EARG, Jacka Resources, Ophir, Sterling Energy iyo Petrosoma ay saamiyo ku iibiyaan ama ka iibsadeen suuqa London iyadoo waxa la kala iibsanayaana yahay dhul Somaliland ku yaala oo ay ruqsado u haystaan oo mar kastoo wax la kala iibsanayaba ay ka macaashayaan malaayiin dollar oon shacbiga Somaliland waxba ka soo gaadhayn cashuur amma mashruuc yar oo horumarineedna wa dane iyadoo waliba wasiirka Macdantuna uu mar walba u sharciyeynayo beeca khayraadkaas Somaliland ee hawada lagu kala dilaalayo isagoo shirkadaha u xil qarinaya halkii uu ka sugi lahaa in dalkiisuna waxa la kala macaashayo wax ku yeesho.
Xalku ma noqonayo UN la eedeeyo. Xalku wuxuu ku jiraa in la isa saxo oo laga bilaabo in la baadho waxyaabihii sababay in shirkadii Genel dalka ka baxdo, oo natiijada ka soo baxdana dadka loo sheego eeda cidii yeelatana abaalkeed la mariyo.
Hadiise aanu Madaxweynuhu ogolayn in cid lala xisaabtamo oo kuwii ay ahayd in dalka laga qabto uu wali hoosta ku haysanayo, UN baa la sheegayaaye cid waloo dalkan baylahdeeda arkaysaa way usoo hunguroon doontaa.
Faragalinta UN-ka uun kuma koobnee maxaa iyana laga yeelayaa Al-Ictisaam, Al-Islaax iyo Al-Ikhwaan iyo kuwa kale ee horeba loo sheegay.
Ka eeg qoraalada wararkii lagu dacweeyey wargeyska Haatuf ee www.haatuf.net