Ergada Kuuriyada Koonfureed ayaa fariin gaar ah u keeni doonta Mareykanka taasi oo ay ka sidaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Fariintan ayay ergada gudbin doontaa marka ay toddobaadkan kulan ku yeeshaan Washinton , sida ay wararka sheegayaan.
Fariintan ayaa loo soo dhiibay markii ay isniintii la kulmeen Mr Kim oo ay la yeesheen wadahadalo naadir ah oo ka dhacay Pyongyang, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah.
Ma cadda in ergada Kuuriyada Koonfureed ay la kulmi doonaan madaaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.
Wadahadaladii ay hore Mareykanka ula galeen Kuuriyada Waqooyi ayaan wax mira dhal ah yeelan.
Waxaa lagu heshiiyay in hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulan yeeshaan bisha April markii ugu horreysay muddo toban sano ah. waana kulankii ugu horreyay tan iyo intii uu awoodda la wareegay Mr Kim.
Madaxa amniga qaranka Kuuriyada Koonfureed Chung Eui-yong iyo madaxa hay’adda sirdoonka Sun Hoon ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi xilli ay booqasho qaadatay 2 maalmood ay ku joogeen Pyongyang.
Mr Kim ayaa si caad u muujiyay sida uu dalkiisa u doonayo in uu wadahadal la galo xukuumadda Washington ayna hakiyaan tijaabada hubka inta ay wadahadaladaasi socdaan, waxaa sidaasi Talaadadii sheegay Mr Chung.
“Wax waliba saxaafadda shaaca ugama qaadi karno , laakiin waxa aan haynaa fikrado aan ka sidno Kuuriyada Waqooyi oo aan u gudbin doono Mareykanka marka aan booqashada ku tagno,” waxa uu sidaasi ka soo xigatay wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed Yonhap.
Donald Trump ayaa si taxadar leh uga jawaabay warka ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay doonayso in wadahadalo lagala galo sidii ay uga tanaasuli lahayd hubkeeda Niyukleerka.
Maxaay tahay fariinta qarsoodiga ah?
Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa si wayn uga taxadarayay luuqadooda dublamaasiyadda ka dib markii ay kulankii ugu horreysay la yeesheen Mr Kim.
Ma cadda in ay buunbuuninayaan muhimadda ay leedahay farriintan, iyo cidda ay fariinta ku socoto.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in ay xiriir la samaysay Aqalka Cad taasi oo ku saabsanayd hindisaha la soo jeediyay ee kulanka ergada Kuuriyada Koonfureed.
Waxa ay u muuqataa in labada Kuuriya ay ka faa’idaysanayaan xiisadda hoos u dhacday ka dib ciyaarihii Olambikada oo labada kooxood ay hal calan wada siteen.
Xigasho: BBC