Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada. Waxyaabahihii uu khudbadiisa ku soo qaaday waxa ka mid ahaa in nabadda la adkeeyo.
Wuxuu ballan qaaday in dawladdiisa ay wax ka qaban doonto dhismayaasha kaabayaasha iyo mashaariicda horumarinta bulshada.
Mr Farmaajo intii aanu khudbadda jeedin wuxuu soo kormeeray goobo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen, wuxuuna amar ku bixiyey in ciidamo weli goobahaas ku sugnaa laga kaxeeyo.
Isla maanta wuxuu madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dhismaha waddada isku xidha Gaalkacyo iyo Hobyo.
Berri ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo gobolka Galgaduud.