Puntland Oo Shaacisey Saami Ay Sheegtay In Ay Maamul Ahaan Ku Lahayd Lacagtii Dhawaan Lagu Qabtay Madaarka Muqdisho Ee Imaaraadka Ka Timi +o Madaxweynaha Puntland Oo Kwaxaa uu Soo Bandhigay Xadiga Maamulkiisu Ku Leeyahay Lacagtaas iyo Qorshaha Lagu Fulinayay ii Lagu Qabtay Madaarka Muqdisho
“Sida Uu Noo Sheegay Safiirka Imaaraadku Maamulka Puntland Waxa Uu Ku Lahaa Lacagtii Lagu Qabtay Madaarka Muqdisho Saddex Milyan Iyo Lix Boqol Oo Kun($3,600,000), Lacagtaasi Waxay Ahayd Mid Loogu Tala Galay…”
Garoowe(Hubaal):-madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay xadiga uu maamulkiisu ku lahaa lacagtii lagu qabtay madaarka magaalada Muqdisho ee ka timid dalka imaaraadka. Madaxweyne Gaas oo la hadlay laanta af soomaaliga ee idaacadda codka maraykanka ayaa sheegay in lacagta maamulkiisa loogu tala galay ay ahayd mid ku wajahan ciidamada lagu tababaro magaalada Boosaaso ee ay gacanta ku hayaan saraakiisha u dhashay dalka imaaraadku. Madaxweyne Gaas oo ka hadlaya lacagta lagu qabtay muqdisho iyo inta maamulkiisu ku lahaa ayaa waxa uu yidhi “Maamulka Puntland waxa uu ku lahaa lacagtii lagu qabtay madaarka Muqdisho sadex Milyan iyo Lix Boqol Oo Kun($3,600,000) sida uu noo sheegay safiirka imaaraadku, waayo Puntland waxa ku sugan ciidamo ay tababaraan imaaradku, lacagtana waxay ahayd mid loogu tala galay mushaharka ciidamada iyo saadkooda.”ayuu yidhi madaxweyne Gaas oo u waramay VOA. Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa beeniyey warar sheegayey inay ka baxeen saraakiishii imaaraadka u dhashay ee tababarka bixinayey waxaanu yidhi “ Dawlada UAE waxay noo sheegtay inaanay saraakiisheedu baxayn oo ay ku sii sugnaan doonaan Puntland, waxaanay noo hayaan hawlo muhiim ah iyaga oo dagaal kula jira Al Shabaab, Daacish iyo Tahriibka, haddii ay baxaan iyaga oo hawlahaas haya waxa dhacaya wax aad u xun.”
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inaanay dawlada Soomaaliya wax faa,iido ah ka helayn haddii imaaraadku ka baxo waxaanu yidhi “Dawlada federaalka ah wax faa,iido ah uma keenayso in imaaraadku ka baxo haddii ay baxaana culays weyn ayaa nagu imanaya, imaaraadku waxay noo tababaraan ciidamada oo ay mushaharkooda bixiyaan, iyaga oo gudaha dalkana ka fulaya mashaariic kala duwan oo lacag badan ku kacaya.”
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in guul laga gaadho wada hadal u bilaabmay dawladaha soomaaliya iyo imaaraadka, isaga oo sheegay in maamulkiisu mar kasta dhiiri gelinayo is afgarad ay labada dhinac wada gaadhaan.