Muqdisho:(Hubaal)-Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu amar ku siiyey safaaradaha shisheeye ee degan madaxtooyada Soomaaliya inay muddo kooban gudaheed kaga guuraan halkaas.
Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiinta safaaradohoodu ku dhexyaalaan gudaha madaxtooyada dalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay sida dowladdiisa cusub u daneyneyso in laga guuro madaxtooyada.
Gudaha xarunta Madaxtooyada waxaa safaarado ku leh dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo halkaas degenaa illaa xiligii dowladii Madaxweyne marxuum Cabdilaahi Yuusuf.
Masuuliyiinta labada safaaradood ayay wararku sheegayaan iney aqbaleen dalabka Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo, iyagoo bilaabay qorsheyaal ay safaaradahooda uga rarayaan madaxtooyada.
Jabuuti ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee ku dhaqaaqda fulinta dalabka Madaxweynaha waxeyna isaga guureysaa dhismaha ay ka daganeyd Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta Muqdisho u yimid Xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadaas ka dib soo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Safaarada Jabuuti ku leedahay Muqdisho oo laga dhisayo nawaaxiga xeebta Liido.
Itoobiya ayaan weli la iman qorshe cad oo ay safaaradeeda uga rareyso gudaha madaxtooyada inkastoo aragti ahaan ay aqbaleen iney halkaas ka guuraan.
Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa hore u soo jeediyay talada ah in Safaaradaha shisheeye laga raro Madaxtooyada si gaar ah waxay farta ugu godeen Itoobiya oo siyaasad ahaan aanay Shacabka Soomaliyeed isjecleyn.
Jabuuti ayaa noqoneysa dowladdii 3-aad ee safaaradeeda ka dhisata nawaaxiga xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,waxaana halkaas hore safaarado uga dhistay dalalka Turkiga iyo Imaaraatka Carabta.