Farmaajo Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

0
49

Muqdisho (Hubaal) Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow), kaas oo badeli doona gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed oo xilkan hayay. Warkan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna. Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go’aankan gaadhay kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed, ayaanan ilaa iyo hadda wax war ah arrintan ka soo saarin. Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan inay la wareegeen xafiisyada xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho. Dhammaan waxaa xidhan waddooyinka xaruntaasi soo gala, waxaana xarunta hadda si buuxdo gacanta ugu haya ciidammo gaar ah. Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii habeennimadii Axada xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, gudoomiyayaasha degmooyinka iyo kuxigeenadooda ay xarunta maamulka uga dhawaaqeen inay laba sanno xilka ugu dareen gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii hore xilka ku yimid digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxaa sababay in la beddelo guddoomiyaha gobolka Banaadir?

Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa aad u soo xoogaysanayey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo madaxda dawladda Soomaaliya.

Khilaafka ayaa la rumaysan yahay inuu dibadda u soo baxay wixii ka dambeeyey subaxnimadii Jimcaha, markaasoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyey in aan “dhulka dowladda la hibeyn karin, la bixin karin, lana wareejin karin”.

Qoraalkaas waxaa lagu sii daray “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay kaddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro [ay jiraan] muwaadiniin iibsad[t]ay ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Haddaba gobolka banaadir ayaa isna qoraal soo saaray uu kaga jawaabayo kan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dulucda qoraalka ayaa ah in aysan jirin dhul ay wasaarad leedahay oo gobolka Banaadir iyo dawladda hoose ee xamar ay bixiyeen.

Waxaa kale oo qoraalkaas ku qoran in aysan xafiiska madaxweynaha ka soo gaarin fasax bixin dhul dan guud ah, dawladda hoose ee Muqdishana aysan samayn wax takri fal ah.

Qoraallada la is dhaafsaday ka sokow, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, wuxuu aad ugu ololaynayey in la qabto shir looga hadlo maqaamka caasimadda, kaasoo ay ku taageersanaayeen beelaha u badan Muqdisho qaarkood. Ugu yaraan mar ayaa la hubaa in uu shirkaas baaqday, sababo loo malayanayo in ay la xiriiraan wadatashiyada qabsoomidiisa oo aan la isku af garan. Waa halkaas meesha dadka arrintan u dhuun-daloola ay rumaysan yihiin inay sartu ka quruntay, oo lagu kala booday. Maalmihii u dambeeyey waxaa socday shirar is daba joog ah, kuwaasoo ay yeelanayeen odayaal beesha uu guddoomiyaha gobolka ka soo jeedo ka tirsan oo dhinac ah, iyo kulammo iyaguna ka dhacayey madaxtooyada Soomaaliya. Oday dhaqameedyada shirayey qoraalka hoose ayey soo saareen:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here