HUBAAL KA AKHRI: Faro-gelin Beelaysan Oo Mas’uuliyiin Dawladda Ka Tirsani Ku Dalbadeen In Guddida Fulinta Jaamacadda Hargeysi Ay Dib U Soo Celiso Hormood-yadii Dhawaan Laga Caydhiyey UoH
Hargeysa (Hubaal) Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda labada Beelood ee ay hayb ahaan yihiin labadii Hormood ee laga Eryey Kulliyada Caafimaadka iyo Saynisku ayaa labadii habeen ee u danbeeyey Boodhka iyo Guddoomiyaha Jaamacadda ugu hanjabaya inaan la eryi Karin.
Wasiirradan iyo Xildhibaanada soo faragaliyey nidaamka Maamul ee Jaamacadda ayaa boodhka ka codsaday in lagu celiyo shaqadii ay Jaamacadda ka hayeen, hase yeeshee boodhka iyo Guddoomiyuhuba way diideen kadin markii kulamo saacado badan qaatay ay fooda isku dareen hotelka Ambassador oo ay labada Beelood Gog-ladeen.
Sida aanu ka soo xiganay degelka wararka ee Waaheen.com oo warkan daabacay Labada Hormood ee la eryey ayaa Guddoomiyaha Jaamacadda ku Eedeeyey in uu Lunsadaya lacag gaadhaysa toddobaatan kun oo Doolar iyagoo eedayntooda uga dan lahaa in la eryo ama musuq maasuq loo xidho, si ay jaamacadda ugala wareegaan, hase yeeshee Hanti-dhawr ay galiyeen ayaa soo bandhigay inaanay jiri wax Musuq maasuq ah oo uu galay Guddoomiyuhu.
Boodhka Jaamacadda Hargeysa oo aqbalay in uu baadho Eedayntooda isla markaana galiyey Hanti-dhawrka ayaa markii ay heleen natiijada baadhitaanka ee Hanti-dhawrka ku abaal mariyey labada Hormood in ay shaqada ka eryaan maadaama oo ay beenowday Eedayntoodii.
Hase yeeshee labada Hormood oo dhawr jeer oo hore falal caynkan oo kale ah iyo gacan ka hadalba kula kacay Guddoomiyaha ayaa markii ay ogaadeen dabinkii ay u dhigayeen in ay ku fashilmeen qaylo dhaan afka gacanta saaray, iyagoo wasiiradda iyo Xildhibaanada Reerahooda ku dagaal galiyey in laga soo eryey Jaamacaddii oo Reernimo loo soo eryey.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada Reerahooda ah ayaa shirar ay yeesheen ku dalbaday in Guddida Sare ee Jaamacadda (Boodhka) iyo Guddoomiyuhuba usoo fadhiistaan Gar ay labadaas Beelood siyaasiyiintoodu uga leedahay Eriga labada Aqoonyahan ee Jaamacadda, waxaanay labadii habeen ee ugu danbaysay madaxa isku dareen hotelka Ambassador, kuwaas oo ku dhamaaday fashilaad iyo is mari waa.
Lama oga xaaladda ka taagan maamulka Jaamacadu halka ay ku danbayn doonto, nasiib darada ugu weyna waxay ka taagan tahay aqoonyahanada madaxda ka ah Jaamacadda Hargeysa inay taladoodii noqotay Beelo, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo ka gudba maadaama Somaliland dhibaato ugu filan tahay in talo kasta oo suuqa taala lagu xaliyo qaab beeleed, taasoo u muuqata dibu-dhacad 23 sano ka muuqda Somaliland.
Ayaan darada kale ee taagan ee ay arrintani leedahay waxay tahay Wasiiraddan iyo Xildhibaanadan ay labada Aqoonyahay ku soo dagaal galiyeen qaab Beeleed, iyadoo xilalkii ay qaranka u hayeen baylahsan yihiin.
Jaamacadda Hargeysa ayaa tan iyo markii la bilaabay ka bixi la’ qaab qabyaaladeed iyo khilaaf maamul oo u dhaxeeya madaxda jaamacadda, waxaanay taasi gayaysiisay in ay ka hadho am aka gaabiso jaamacadaha Gaarka loo leeyahay.