FARQIGA ISBADEL EE XAFLADDAHA AROOSYADDA EE WAKHTIGAN IYO KUWII HORE

0
49

Guurku waa halka ay ka bilaabmato tafiirta Aadamigu, waana sune uu ilaahay SW ina faray in qof kasta oo islaam ahi ku dhaqmo si tafiirta ibnu-aadamku u sii jirto , guurka lamaanaha islaamka ah waxaa ka dhasha xaflado aroos oo ay dhaqan tahay in la qabto, Hadaba waayadan waxa soo if baxayey in is badal balaadhan uu ku yimaado habkii aroosyadii hore loo qaban jiray kaas oo ahaa mid howl badan iyo kharash badani ku baxo waxaanay ka mid ahayd caqabadaha hortaagnaan jiray in guurku kordho ,wakhtigan casriga ah waxaa soo kordhayay aroosyada in loo qabto hab ka fudud kana kheyr badan sidii hore .

Caqabadaha ugu waawayn ee hortaagan inuu guurku kordho:

giire

1-   Shaqo la’aanta baahsan ee wadanka ka jirta .

2-   Howsha arooska oo kharash badan u baahan.

3-   Shuruudaha inta badan lagu xidho guurka oo ah qaar aad u badan, isla markaana ay adagtay in dhalinta intooda badani awoodaan.

4-   Doonis gaar ahaaneed oo inta badan ka timaada ehelka iyo qoyska ay ka soo jeedo gabadhu.

Kuma koobna mushkiladaha guurka yaraaday ee bulshadeenu intan laakiin waxa aynu odhan karnaa waa kuwa ugu waaweyn ee maanta ka jira gayigeena. waxaan jeclahay inaan wax ka iftiimiyo xafladaha arooska lamaanaha ka dhasha wakhtigan woloow uu sii dabar go’ayo nidmaamkani.

 

  • Xaflada Isbarashada labada qoys oo mararka qaar ka dhacda Hotel
  • Xaflad aroos oo Hotel lagu qabto
  • Xaflada Sodohdu fijaanada keenayso oo Hotel lagu
  • Xaflada innantu sabiibta furanayso oo iyana Hotel lagu qabto
  • Toddoba bax oo isna meel magaalada ka baxsan la tagi jiray IWM.

Waayadan danbe waxa jira dareen ay dhalinta gayaanka iyo waalidkuba ku dareemeen mushkilada guur yaraanta ah ee jirta taas oo keentay in ay sameeyaan isku dayyo badan ooo ay ku jabinayaan carqaladihii badnaa ee arrimaha arooska iyo guurka dhalinta reer Somaliland. Waaana lasoo koobay xafladihii todobada cisho socon jiray waxaana laga soo reebay laba qaab/hab oo hada aad usoo kordhaya si meesha looga saaro kharashaadkii iyo fasahaadkii xafladhahaas badan, waxaan xafladihii aroosyada ee aynu kor ku soo sheengay lagu soo koobay laba nooc oo ku cusub bulshadda dhexdeeda oo kala ah (Habka Isxambaarka , iyo Habka kale ee wareegida).

 

Isxambaar: Waa hab cusub oo howl fududayn ah oo ay loo adeegsado in lagu soo koobo arooskii hal ka usbuuc socon jiray hal habeen kharash badanina waa ku madhxaa howl badana waa lagaga baaqsadaa waa hal habeen oo howl oo dhan la qabto.

Wareegida: Waa habka ugu haboon ee la adeegsado gurigalka wakhtigan casriga ah , inta badan habkan waxaa raaca lamaanaha iyo qoysaska faham kooda diineed uu sareeyo waa nidaam aad u howl yar waana guri qurux badan oo farxad iyo rayn rayn iyo buuq yaraan ku bilaabma kuna dhamaada inanta iyo qayb ka mid ah eheladeda iyo saaxiibadaheed ayaa habeenkaa isa soo raaca iyagoo halkaa ku qaata farxada munaasibada arooska intii Alle SWT jideeyay.

Gunaanadka : Waa arrin sax ah in la fudaydiyo guurka iyo wixii dhiirigalinayaba hadaba arintan ah in aroosyada sidii loo qaban jiray wax laga badalo oo la fudaydiyo waxaa ku amaanan hablaheena sharafta iyo karaamada leh oo markii horena iyagu codsan jiray aroos toddoba cisho socda imikana fahmay xaqiiqda iyo raali ahaanshaha eebbe , si gaar ah waxaa ugu suntan arintani hirgasho hablaha aqoonta maadiga ah iyo ta diinnigaba ah leh waxaanad arkaysaa innanti aroosada ahayd oo ku fikiraysa sidii ay gurigeeda u qurxisan lahayd fasahaadkana isaga dhaafi lahayd halku-dhaga casriga ah ee wakhtigan ay habluhu isticmaalaana waa (Muhiimadu waa in gurigaygu qurux badnaado ilaahayna raali iga ahaado ) maansha allaah waan ku dhiirigalinaya intan qorshana cusub u samaysatay aroosyadooda inta fooda ku soo haysana waxaan ku dhiirigalinayaa inay habkan fudud ku daydaan si guryaheenu farxad iyo ducco ugu bilaabmaan ILAAHAYNA RAALI INOOGA NOQDO .

 

Wabbilaahi towfiiq

Mohamed Abdi Mohamed (Giire)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here