Golaha Guurtida Oo Ku Baaqay In Si Doorashooyinku Uga Qabsoomaan Si Guud Looga Wada Qaybgalo Maamul-Gaadhsiinta Degaannada Bariga Fog Ee Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa farriimo culus u kala diray xukuumadda, saddexda xisbi qaran, Komishanka Doorashooyinka, Golaha Wakiillada iyo Beesha Caalamka.
Fadhi Golaha Guurtidu ku yeeshay xaruntooda Hargeysa shalay, lagana soo saaray go’aanno la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, ayaa sidoo kale golayaasha kala duwan ee Somaliland loogu diray qodobbo ku saabsan waajibaadka la kala qabanayo, la wada qabanayo iyo hawlaha dhammaystirka u baahan si mustaqbalka loo qabto doorasho dalkoo dhan uga dhacda si xor iyo xalaal ah.
Farriinta Guurtida ee lagu socodsiiyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay u dhignayd sidan; “Iyadoo xukuumaddu horumuud ka ah, waa in si degdeg ah qorshe dhammaystiran oo iskaabaya (comprehensive and special programme) oo qaran lagu waajaha gobollada iyo degmooyinka bariga oo laga taabbo-galiyaa maamul adag iyo amni, si looga suurtogaliyo diwaangelin muwaaddin, codbixiye iyo doorashaba.
Sidoo kale, waa in loo sammeeyaa barnaamij hawleed u gaar ah, oo laga wada qaybgalayo goleyaal ahaan, xisbiyo qaran, Komishan Doorasho, waxgaradka bulshada qaybahooda kala duwan iyo shacab-ba.
Qabyooyinka dhinaca xeerarka Goleyaasha (Wakiillada iyo Guurtidaba) iyadoo xukuumaddu ku hoggaaminaysa waa in si wadajir ah oo xil-kasnimo ku jirto loo dhammaystiro, qorshe degdeg ahna laga yeeshaa. Waajibaad gudasho la’aan ayey noqonaysaa haddii aan loo qalab qaadan dhammaystirka qabyooyinka dhinaca shuruucda.
Golaha Guurtida waxa ku waajib ah isagoo gacan siinaya xukuumadda inuu ka qaybqaato, iskuna diyaariyo adkaynta nabadgalyada iyo wacyigelinta bulshada qaybaheeda kala duwan.”
Waxa kaloo Guurtidu farriin culus u direen Golaha Wakiillada iyo Komishanka Doorashooyinka, iyagoo wakiillada ka dalbaday qabyo-tirka xeerarka la xidhiidha doorashooyinka.
“Golaha Wakiillada waxa ku waajib ah in uu meel-mariyo qaybna ka qaato hindise sharciyeedyada qaranku u baahan yahay si firfircoon oo xilkasnimo ku jirtana u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa waajib ku ah in ay ku talogalaan sidii degmo kasta iyo gobol kasta looga hirgalin lahaa diwaangelin muwaaddin, codbixin iyo doorashaba.
Komishanka Doorashoyinka Qaranku waa in ay ku tallaabsadaan barnaamij wax-ku-ool ah oo horseedaya doorashooyin xor iyo xalaal ah, qof kastaana ku dhiiban karo hal cod oo keliya, isla markaana siiyaan muwaaddiniinta isdiwaan-gelinaysa waqti ku filan.
Komishanka waxa waajib ku ah ku dhaqanka shuruucda iyo Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID u jeediyey dardaaran iyo talooyin, waxayna yidhaahdeen; “Xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah in ay la yimaaddaan barnaamijyo siyaasadeed oo bulshada ka gudbinaya caqabadaha kala duwan ee haysta ee ragaadiyay horumarkooda, kana waantoobaan wixii bulshada iska horkeenaya ee dib-u-dhaca ku keenaya.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu baaq u soo jeedinayaa ummadda reer Somaliland guda iyo dibadba, waxayna ka codsanayaan, kuna adkaynayaan in taabbogalinta iyo meel-marinta himilooyinka qaranka meel looga soo wada jeesto yar iyo weynba.”
Geesta kale, Golaha Guurtida ayaa ugu baaqay beesha caalamka in aanay taageeradoodu noqon mid ka soo horjeeda qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
“Beesha Caalamka waxaan u sheegaynaa in qarankan iyo ummaddiisuba u baahan tahay tageeradooda, balse taageeradoodu aanay noqon mid ka soo horjeedda maslaxadda, danta, rabintaanka, doonista shacbiga iyo jiritaanka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi baaqa ka soo baxay Golaha Guurtida Somaliland.