Farriin Feejigan Oo Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Ku Cabiray Dhufsanayaraha Ay Somaliland & Ethiopia Ka Aaminsan yihiin Xagjirka Mandaqadda

0
23

Gudaha Ka Akhri Waraysi Ku Saabsan Amuuro Door ah Oo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Bixiyey

“Anigu Ninka Qoriga Sita Oo Keliya [Argagaxiso] Uma Aqaanno Ee Xataa Madarasadaha Fikirka Alshabaab Dhiga Laftooda Waa In Geeska Afrika Laga Baabi’iyo, Waayo”

“Dhaqankeenna iy Diinteennu [Inna Farayaan] In Labada Guri Ee Jaarka Ahi Uu Qofba Qofka Kale Soo Bariidiyo, Markaa Wixii Ethiopia U Dan Ah Ayaa Somaliland-na u Dan Ahina iley

Wajaale (Hubaal/BBC)-Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia Md. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadlay aragtidiisa xidhiidhka Somaliland iyo maamulkiisa ka dhexeeya, wuxuuna Soomaalida guud ahaan ku booriyay in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto, isagoo ku dooday in madarasadaha afkaarta Al-shabaab dhigana laga tirtiro geeska Africa. Madaxwaynaha oo ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland dawlad deegaanka Somalida Itoobiya wxaa uu sheegay inay doonayaan si laba daris oo lexejeclo iska leh inay ku wada noolaadaan labada dalka

 “Qorshaha koowaad Ethiopia waxa weeye in hab wanaagsan oo caddaalad ah oo lexejeclo leh ay kula noolaato wadamada dariska. Waxan odhan karaa Somaliland na labada guri ee jaarka ahi, waxa diinteena iyo dhaqankeenaba ah in guriga jaarka ah qofba qofka kale soo bariidiyo oo yacnii waajibaad baa ka saaran. Markaa nabadgalyada Ethiopia waa nabadgalyada Somaliland ayaan dhihi karaa, nabadgalyada shacabka dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia waa nabadgalyada shacabka Somaliland isku cadawna way yihiin oo Argagixisada meel ayaa looga wada jeedaa, waxayna tahay waxa Ethiopia u dan ah ayaa Somaliland u dan ah oo ah nabadgalyo, horumar iyo maamul suuban,” ayuu yidhi Madaxwaynaha DDSI. Cabdi Maxamuud Cumar, oo isagoo joogay Aaskii Wajaale ee Marxuum Axmed Xasan Cawke u waramay BBC-da ayaa la waydiiyay sida kooxdii Wabar u joogtay Ethiopia. “Markaynu xaqiiq ka hadalno, dawladda Ethiopia iyo dawlad degaanka Soomaaliduba, cadow Somaliland ahi marnaba ma joogayo Ethiopia ama hub ha wato ama yaanu wadane. Nin sharci darro ah oo Somaliland ka soo gudbay inaanu joogin dalka Ethiopia waa siyaasadda arrimaha dibada ee Ethiopia, anaguna taanu fulinaynaa waxa weeye siyaasadda wasaaradda arrimaha dibada Ethiopia,” ayuu yidhi madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia. Madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia oo wax laga waydiiyay isu socodka ganacsiga labada dal ayaa sheegay in shirkii u dambeeyay ee Somaliland iyo Ethiopia ku yeesheen dalka Ethiopia lagu heshiiyay in wixii ganacsi ah la waafajiyo shuruucda labada dal, islamarkaana aanay Ethiopia soo galin kotarabaan ka dhan ah sharcigooda, halka Somaliland aanay soo gali doonin wax sharcigeeda khilaafsan.  Madaxwaynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ayaa fariin u diray dhammaan umadda Somaliyeed isagoo ku guubaabiyay inay meel uga soo wada jeedsadaan ururada ka dagaalamaya gudaha Somaliya.  “Umadda Soomaalida waxaan leeyahay hal cadow ayaa jire ee waa in indho gooni ah lagu eego. Cadowgaasi waa maxay? Waa nimanka Al-qushaash la yidhaahdo anigu Al-shabaab uma aqaannee, waa in geeska Africa Soomaalida ku nooli isku aragti ka noqoto. Anigu ninka qoriga sita oo kaliya Al-shabaab uma aqaanno, madarasadaha fikirka Al-shabaab dhiga laftooda waa in geeska Africa laga baabi’iyo, waayo? Qofkuk markuu qoriga sito ama is qarxinayo waa shakhsi,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar. Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan heshiis dhinaca ammaanka ah ku gaadhay magaalada Diridhaba ee Ethiopia, kaasi oo soo afjaray kooxdii Suldaan Wabar ee ku dhuumanaysay degaanka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, sidaasina ay Somaliland isugu soo dhiibeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here