Farriin Ka tidhi maxbuus 16 sanno ku xidhan madheera oo Lacag laga dhacay

0
26

Farriin Ka tidhi maxbuus 16 sanno ku xidhan madheera oo Lacag laga dhaca

“Anigoo ah Faysal Aadan Fool kuna magacdheer (Alla-suge), isla markaan muddo 16 sanno ah ku xidhan xabsiga madheera, kadib xukun maxakamadeed oo igu dhacay.

Waxaan doonayaa inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigo dhacdo khiyaamo ah oo aniga igu dhacday intaan xabsiga ku jiray, taasi oo ka fursan weyday inaan banaanka soo dhigo.
Khiyaamadaasi waxay u dhacday sidan:

” si aanan u dareemin culays maskaxeed oo xadhigayga ku saabsan ayaa intii aan  xidhnaa waxaan ganacsi kooban oo jeeble ah ka dhex bilaabay jeelka, anigoo maxaabiista ka u keeni jiray waxyaabaha kooban ee bagaashka ah ee ay u baahi qabaan, ganacsigaas illaahay wuu ii barakeeyey oo Anna waan ka fara qabsaday, xabsigana waxtar bay u noqotay oo xataa waxaan ku soo kordhiyey oo aan ku guulaystay inaan mawlac ama masaajid yar oo  maxaabiistu ku cibaadaystaan ka dhiso jeelka dhexdiisa, kutub quraan ahna aan dhigo.
Haddaba  intii aan xidhnaa ayaa Mid kamid ah maxaabiista aan nolosha jeelka ku rafiiqnay oo  magaciisa noogu sheegay in la yidhaa  Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa muddo laba bilood oo keli ah oo uu nala xidhnaa,

Wuxuu yidhi waxaan ahay qurbejoog reer Norway ah waxaana la i soo xidhay aniga oo madaarka ka dhoofaya oo tigidhku ii go,naa  sidaa darteed na xaaskaygii iyo caruurtaydii waxay degen yihiin Burco oo arrinkayga waa la dhamaynayaa.
Haddaba waxaa uu maalin maalmaha ka mid ah igu yidhi “Saaxiib  gabadhaydii baa foolanaysa oo ilmo lagu qalayaa  lacagna ma hayo ee waxaad I amaahisaa $500, immika marka la I sii daayo ee ayaan kuu soo dirayaa.
Haddana maalin kale ayuu yidhi aniga kiiska la igu xidhay wuu fudud yahay oo waxaan rejaynayaa in cafiska madaxweynaha la raaciyo ee sxb $1500 aan xeerilaalinta iskaga laaluusho I amaahi si ay liiska maxaaabiista la cafinayo iigu daraan, markaas 5tii boqol ee hore iyo kun iyo 5tan  dembe waxay isku noqonaysaa 2000, markaan imika baxo ee aan Norway ku noqdo ayaan kuu soo dirayaa, lambarkaygii Norwayna waa kaas ee qoro oo ila soo hadal, lacagtiina sidaas baan ku siiyey.

Hadal iyo dhammaan ninkui wuu baxay oo waa la sii daayay, Dib dembe  uma arag, waxna kama hayo, markaan war iyo wacaal ka waayay ayaan garaacay telefoonkii uu I siiyey waxaa iga qabtay nin kale markaan isu sheegay wuxuu igu yidhi, lambarka anigaa iska leh, magaca aad sheegaysana aniga ayaa la i yidhaa laakiin qofka aad I moodayso ma ihi. Aniga Maxamed Cabdiraxmaan Shookale ayaa la yidhaa, waxana la igu naanaysaa RUSHEEYE, nin reer Burco ah oo caan ah ayaan ahay, Norway ayaanan degennahay, lkn aniga madheerana la iguma xidhin, Somalilandna ma iman ee qofka aad sheegayso in uunlacag kaa amaahday orod doono.

Hadal iyo haatan waxaan doonayaa walaaleyaal  cidii ninkaa I  khiyaameeyey sawirkiisu waa kan, ee cidii garanaysaa arrimahayga wax ha ka qabtaan oo ay wax ila qabtaan.
Wali waan xidhannahay, wixii faahfaahin ahna barra facebookayga ha igala soo xidhiidhaan  ama maamulka xabsiga aan ku jiro ha hala soo xidhiidhaan

Allaa.mahad leh

Faysal Aadan Fool
Xabsiga madheera
https://www.facebook.com/profile.php?id=100075597660348

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here