Dareenka Ay Ra’yul-caamka Bulshadu Ka Bixiyeen Bilowga Dhismaha Wadada Airport-ka Illaa Saldhiga Dhexe Oo Muraayadda U Ah Bilicda Caaasimadda
Iyadoo maayarka caasimadda Hargeisa uu ku gudo jiro qorshaha ballanqaadkisii hiigsigisa waxqabad ee ku wajahan dayactirka waddooyinka caasimada ee dhiska iyo dayactirka waddooyinka halbowlaha caasimada oo aad u burbursan, gaar ahaanna wadada airport-ka caasimada Hargeisa ka timaada oo ah muraayadda laga daawado bilicda iyo quruxda dalka JSL ayaa maayarka caasimada hargeisa iyo xubnahiisa golaha deeganka caasimadu ay shalay bilaabeen wadada airport ka timaada oo dib loo hagaajinayo illaa saldhiga dhexe ee caasimada hargeisa. Haddaba waxa si farxad mugle ku soo dhaweeyey howshaa dhiska iyo dayactirka wadada airportka dadwaynaha ku nool degmoyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamud Haybe, suldaannada, cuqaasha, waxgaradka, haweenka ururrada dhalinyarada bulshada rayidka oo runtii ku guubabiyey mayarka caasimada Hargeisa iyo golahiisa deeganka in ay la shaqayn doonan bulshaduna waa in ay ka qayb qaadatan dhiska wadadan oo runtii ay ku baxayso dayactirkeeda dhaqaale aad u balaadhan.
Wadooyinka caasimada hargeisa oo runtii aad u burburay mudo hada laga joogo 28 sano waqtigii dalka laga tuuray dawladii dargigii siyaad bare oo ay dalka soo maaren maayaro badan oo runtii aan waxba ka qaban wadooyinka townka caasimada oo dhibaato badan ku haya isu socodka gadiidka iyo bilicda caasimada
Iyadoo madaxwaynaha dalku waxbadan ka qabtay dhiska iyo qurxinta wasaaradaha dalka waxqabadkaas oo ay hormood u yahiin hogaamiyaasha xisbiga kulmiye ayaa moyarka caasimaduna qaaday talaabo hor leh oo wax ka qaban doono wadooyinka burburay ee caasimada ha u horayso wadada airport hargeisa ka timaada oo ah muraayadii laga daawanayey quruxda caasimada hargeisa
Iyadoo moyarkan caasimada hargeisa uu ka dhabeeyey qorshahiisi waxqabad ee ku wajahnaa dayactirka wadooyinka burburay ee caasimada hargeisa oo aanay hore waxba uga qaban mayaradii hore ee soo maray dalka jsl iyadoo awooda dhaqaale ee dawlada hoose xadidan yahay waxa loo baahan yahay in muwaadininta ku leh dhiska guryaha ku soo jeeda wajahadaha wadada airport hareeraheda in si mug leh ay uga qayb qaatan dhiska wadada airport hargeisa oo hada dhawaan la bilaabay
Sidoo kale waxa loo baahan yahay shirkada laydhka iyo telphonadu ka furtaan sida ugu dhaqsa badan agagaarka wadada ka timaada ilaa saldhiga dhexe
Alla Mahad Lehh
Dr. Buux Ibraahim
Farriin cafimad
Fayadhowr madaxbanaan
0634130821`