Degmada Dacarta oo lagu qabtay banaan-bax ay cududdooda ku muujiyeen taageerayaasha Kulmiye iyo Masuuliyiin ka qayb-galay
Dacarta(Hubaal)-Shacbiga ku dhaqan Deegaamada hoos-yimaada Degmada Dacarta, ayaa dhoola-tuskii Olollaha Kulmiye ee Maalintii 7aad oo ku beegnayd Khamiistii, ku muujiyey isu soo bax balaadhan oo ay kala qayb-galeen Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Gollaha Wakiillada, kuwaasoo fagaareyaal kala hadlay taageerayaasha Xisbigaas. Banaan bax balaadhan oo ka dhacday Magaalada Dacarta, kaasoo ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigeen Taageeradooda, ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo kamid Golaha dhexe ee Xisbigaas, Guddoomiyaha Degmada Dacarta, Cuqaal, Aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Degmadaas. Masuuliyiinta iyo waxgaradka oo goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha, ayaa kula dardaarmay inay maalinta Doorashada codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye ee ay taageerada u muujiyeen, si uu hogaaminta dalka u sii hayo. Guddoomiyaha Degmada Dacarta Eng. Cabdiraxmaan Biinge oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa Bulshada halkaas isugu soo baxday uga mahad-celiyey sida qiimaha leh ee ay darreenkooda iyo doonistooda ugu muujiyeen Xisbiga Kulmiye, waxaanu ka codsaday inay maalinta codbixintana sidaas si lamida ugu soo baxaan Doorashada. Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, sidoo ka mid ah siyaasiyiinta Degmada ka soo jeeda, ayaa isna dhankiisa sheegay in Xisbiga Kulmiye Degmadan magacaabay, wax badana ka qabtay, isla markaana wixii ka dhiman ee baahiyo ahna uu fulin doono hadii uu xukunka ku guulaysto. Sidaas darteed looga baahan yahay Bulshada Degmadan ku dhaqan inay codka si hagar la’aan ah u siiyaan.
Geesta kale, Xubno ku hadlayey Afka Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Haweenka Deegaankaas oo halkaa ka hadlay, ayaa balanqaaday inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Xisbiga Kulmiye, jirinna xisbi kale oo cod kaga soo talogalaya Degmadan, waxaanay intaa ku dareen inay Degmada Dacartu kamid tahay Deegaamada taageersanaa tan iyo markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye, maantana wax ku soo kordhay mooyaane aan wax iska bedelay jirin.
Waayeelka Degmadu waxay intaa ku dareen inay Xisbiga Kulmiye hadduu talada ku guulaysto ay ka rajjeynayaan waxqabad ka balaadhan wixii ay Xukuumaddii hore qabatay, taanna ay Murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa ku garab taagan yihiin.
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo gabagabadii halkaa kala hadlay shacbiga taageeradooda u muujiyey Xisbigaas, ayaa ku dheeraaday Barmaamujka siyaasaddeed ee xisbigiisu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii mar kale la doorto, kaasoo uu tilmaamay in waxyaabaha ugu muhiimsan ka mid yihiin horumarinta wax-soo-saarka Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Nolosha xoolo dhaqatada, Degmada Dacartuna kamid tahay Deegaamada Beer iyo Xoolo dhaqatada ah.
Waxa uu Xildhibaanku sheegay in xisbiga Kulmiye wax ka qaban doono dhamaan kaabeyaasha aasaasiga ah ee Degmadan iyo Dalka oo dhan, iyadoo deegaan walba loo eegayo baahiyaha ka jira iyo sida ugu haboon ee loo kobcin karo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha Bulshada ku dhaqan. Xildhibaan Warfaa wuxuu sheegay inay sii laban laabi doonaan wixii ay qabatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. “haddaba waxa loo baahan yahay in maalinta 13 Bisha ee Doorashada loo soo dareero qof waliba uu Sanduuqa ku hubsado waraaqda, isagoo calaamadinaya Warqada halka loogu talo-galay in loogu codeeyo Kulmiye, waxaanad ka taxadiraysaan inaad si khaldan u calaamadisaan oo codku idinka gubto” ayuu kula dardaarmay Taageerayassha halkaa isugu soo baxay.
Guddoomiye ku-xigeenka iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa socdaal ku soo maray Deegaamo badan oo ka tirsan Degmada Dacarta iyo Gobolka Gabiley, halkaasoo ay kaga qayb-galeen Xaflado kale oo ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye cududdooda ku muujinayeen maalinta u dambeysay ee Olollaha Doorashada uu u lahaa.