Farriin Qoraal Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Farta Ka Saaray Guddidii Abaaraha Oo Shalay Dib Loo Hawl-geliyey

0
38

“Xogaha La Ii Soo Gudbiyey Waxay Xaqiijiyeen In Roobkii Dabaylaha Watay Ay Shan Qof Ku Dhinteen 24 kalena Ku Dhaawacmeen, Boqollaal Aqalna Dumeen”

Madaxweyne_Siilaanyo2013

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay  dib u hawlgeliyey guddidii taakulaynta heer qaran ee abaaraha ee uu hore u magacaabay, isagoo faray sidii ay danyarta ay roobabkii Isniintii guryaha ka dumiyeen u kaalmayn lahaayeen. Guddidaas oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana mid ahaayeen, xubno isugu jira wasiiro culimo awdiin, iyo ganacsto, ayaa badan koodu ku sugnaa kualnkaas oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadu Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye waxaa madaxweynuhu shalay kulan degdeg ah isugu yeedhay xubnaha guddidan uu hore u magacaabay kuwaas oo Hadal qoraala oo kooban oo halkaa uga akhriyey, ku tilmaamay ujeeddada uu ugu yeedhay qoraalkaas ayaa ahaa sidan:- “ Ugu horreyn, anigoo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya waxaan Guddi ahaan idinku hambalyeynayaa sidii dedaalka, daacadnimada iyo xil kasnimada lahayd ee aad ugu gurmateen dadkii abaaruhu ku habsadeen “EEBE ha idinka abaal mariyo”. Mar labaad, waxaa waajib innagu wada ah in aynu u shaqayno isla markaana kaalamayno dadkeenna. Sidaad la socotaan, waxaa gelinkii dambe ee Isniinta, 13/06/2016, magaalada Caasimadda ka da’ay roob laxaad leh oo wata dabaylo, kaas oo keenay khasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh. Xogaha la ii soo gudbiyey waxay xaqiijinayaan in ay ku dhinteen shan qof, afar iyo labaatanna ku dhaawacmeen. Sidoo kale, ay dumeen boqollaal aqal oo maanta dadkii ku noolaa dibedda tuman-yihiin. Sidaa darteed, waxaan shirkan u qabtay in aynu ka tashanno sidii wax ugu qaban lahayn dadkii dhibaatado soo gaadhay, gaar ahaan kuwa dhaqaale ahaan aad u jilicsan ee aan awoodi karin inay guryohooda jiingaddu ka dhacday ay dib u dhistaan. Ugu dhambayn, waxaa idinka rajaynaya sidii aan idinku aqaannay niyad wanaagsan iyo talooyin ama qorshayaal meel mar ah oo ka turjumi kara awooddeenna. Madaxweynaha ka hor waxa halkaa warbixin ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka waramay kormeerkii madaxweynuhu ku soo maray dhibaatadii roobabku u geysteen dadka caasimada.  Xubnaha ka tirsanaa gurmadka abaaraha ayaa iyaguna ka waramay sidii ay uga soo shaqeeyeen abaarihii hore, Madaxweynaha iyo xukuumadda uu hogaaminayana ku bogaadiyey dedaalkii ay sameeyeen muddadii ay abaaruhu jireen ee hore. Waxanay balan qaadeen inay dhibaatadan roobabka iyo waxyeelada ay geysteen sidaa uu madaxweynuhu soo jeediyey ay u guntan doonaan wax ka qabashadeeda, waxa kale oo halkaa laga soo jeediyey sida ugu haboon ee wax ka qabashada waxyeeladii roobku keenay taasoo u baahan siday sheegeen in si taxadar ku jiro loo galo, dadkana look ala saaro siday u kala tamar daran yihiin. Ugu danbayn guddidaas oo uu horkacaayo Madaxweyne ku xigeenka, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee Abaaraha ayaa saxaafadda kula hadlay barxada madaxtooyada, iyagoo faah-faahin ka bixiyey ujeeddada kulanka ay madaxweynaha la qaateen iyo soo jeedintiisa ku saabsanayd gacan siinta danyartii waxyeeladu ka soo gaadhay roobka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here