Farriinta Ay Xambaarsan Tahay Warqad Fadeexad Ku Ah Qarannimada JSL Oo Cabdiraxmaan Cirro U Diray Midowga Yurub

0
45

Akhri: Cidhib-xumada Ka Dhalan Karta Warqaddan Oo Cirro Ku Maroorsaday Shaqadii Khaarijiga JSL, Kuna Magacaabay  Safiir Uu U Xilsaaray Shaqadii Ay Dawladuhu Qaban Jireen

 

 diinaari-iyo-cirro

Hargeysa(Hubaal)-Mulkiilaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  cagaha la galay  fadeexad diblomaasiyadeed  oo weyn, waxaanu magacaabay  safiir wareega oo qabanaya qeybo ka mid ah shaqadii xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanay tallaabadani   hordhac  u tahay qorsheyaal  sharci darro ah oo uu ku mijo-xaabinayo Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland. Cabdiraxmaan Cirro, waxa qoraal Ingiriisi ah oo uu Dorraad  soo saaray  ku magacaabay in Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) uu noqdo  Safiirka Wareega  Komishanka midowga Yurub/MFA/DANIDA, taasi oo ah mid ka baxsan awoodaha xisbiyadda oo aan u magacaabi karin safiirro Hay’adaha  dawliga ah iyo kuwo goboleedba. Qoraalka Cirro oo DAWAN, soo turjumay, waxa kaloo lagu sheegay in safiirkaas uu magacaabay midowga Yurub ka shaqeyn doono la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka. Isla markaana uu fududeyn doonno sidii ay u kordhin lahaayeen mucaawimadda ay siiyaan Somaliland. “Anigoo ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  waxaan awoodayda guddoomiyenimo iyo murrashaxnimaba jecelahay inaan ku magacaabo  Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) inuu noqdo safiirka wareega ee Komishanka Midowga Yurub (European Union Commission),MFA/DANIDA iyo UNECA,”ayuu  ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro qoraalkiisa  ku sheegtay  Guddoomiyenimadii xisbigaas ee uu sida ku-meelgaadhka ah ugu wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde. Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu qoraalkiisa yidhi “Safiirku wuxuu kor u qaadi doonaa xidhiidhka xisbiga WADDANI la leeyahay dhinacyadda ay khusayso, si uu ula galo wadaxaajoodyo iyo heshiisyo isagoo metalaya xisbiga WADDANI si ay uga faa’iidaystaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland.” “Safiirkayagu wuxuu masuul ka yahay xoojinta iskaashiga aanu la leenahay dhinacyadda aanu hawl-wadaagta nahay iyo sii hagaajinta  iskaashigeenna ku wajahan la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka  iyo inuu fududeeyo inaad kordhisaan taageerada aad siisaan dadkayaga si  loo dhiso dawlad dimuqraadi ah oo ku dhaqanta sharciga iyo kala dambaynta.” Magacaabistan ayaa ah fadeexad diblomaasiyadeed  iyo jariimad culus oo Cirro ka galay dawladnimada Somaliland, waxaanay bilow u tahay ifafaalaha  qorshe uu ku tallo-galay inuu sifo sharci darro ah ula wareego qeybo ka mid ah awoodaha dawladda Somaliland loo doortay. Waxa kaloo ay ka dhigan tahay inuu tallaabadan u qaaday si uu hay’adaha dunida uga helo dhaqaale lagu wado xisbigiisa. Sidoo kalena, waxa qoraalkiisa uu mar kale dibadda u soo saaray in xilka gudoomiyenimadda ku-meel gaadhka ah ee uu ku wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde yahay mid barkuma taal ah maadaama oo uu wali sii sheeganayo guddoomiyenimadii xisbiga oo uu qoraalo badan oo uu soo saaray ku saxeexay.

Muuqaalka WARQADDA Uu Cabdiraxmaan Cirro Uu Ku Magacaabay Safiirka Wareega  Komishanka midowga Yurub/MFA/DANIDA
Muuqaalka WARQADDA Uu Cabdiraxmaan Cirro Uu Ku Magacaabay Safiirka Wareega Komishanka midowga Yurub/MFA/DANIDA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here