Farshaxanka Aamin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Saamaynta Ethiopia Ku Leedahay Maamulka Muqdisho iyo Xadhiga Suxufiyiinta Universal

0
31

Waxaa weli xabsiga ku jira agaasimihii Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xirsi Kulmiye iyo weliba Wariye Cawil Daahir Salaad, kuwaasoo ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya. Wariyeyaasha oo looga yeedhay xarunta nabadsugida ayaa markii ay tageen xabsiga la dhigay.

Madaxa wararka telefishinka Universal Max’ed Xaaji Axmed (Cagamadhige) ayaa sheegay in xadhiga wariyeyaashu  ka danbeeyay barnaamij DOODWADAAG ah oo ka baxay Tv-ga, kaasoo ay ku doodayeen laba xildhibaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo weeraray siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Xadhigan oo sidoo kale ay cambaareeyeen ururada saxaafadda Somalia, waxaa sawirro ka sameeyay farshaxanka Aamin Caamir oo muujiyay sida Ethiopia door firfircoon uga ciyaarayso maamulka Somalia, islamarkaana uga soo horjeedo cid kasta oo soo hadal qaada  ku lug lahaanshaheeda arrimaha Somalia. –
sawir-kartoon1

sawir-kartoon2

sawir-kartoon3

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here