Fashilaada Guddiddii Qaban-qaabadda 18-Ka May Oo Xalay Dibada U Soo Baxday

0
50

Hargeysa(Hubaal) -Guddida Qaban-qaabadda heer qaran ee Munaasibadda 23-guurrada ka soo wareegtay markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii 18-kii bishii May ee 1991-kii ayaa shalay ku fashilmay hawshii qaban-qaabadda ee madaxweynuhu u xil saaray, iyadoo aanay xil iyo masuuliyad iska saarin qoddobo waaweyn oo ay ahayd inay xaaleeyaan hawsha munaasibadana sii muunayn lahayd.

gudida qabanq 18may

Qoddobada ay Guddida qaban qaabadu ku fashilantay waxa ka mid ah inay dalka keenaan si ay goob joog uga noqdaan saxaafadda caalamiga ah sida TV-ga Al-jaziira iyo wakaaladaha wararka  ee waaweyn oo sanad-guuradii 22-aad ee kal-hore  kaalin weyn ka qaatay dedaaladii wararka  munaasibadda lagu gaadh siinayay beesha caalamka, iyadoo qasdiga ugu weyn ee munaasibadan loo weynaynayaa ay tahay kaliya in caalamka loo soo bandhigo qadiyadda Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ahaa qoddobada ay gudidu ku fashilantay baratikool xumo iyo is dhex-yaac ka jiray xafladda, iyadoo aanay jirin goob ay u asteeyeen TV-yadda  inay ka duubtaan wararka, waxaanay arrintaasi dhalisay in sawiradii TV-yadu ay tabiyeen aanay ahayn qaar tayo ahaan wanaagsan oo waafaqsan heerkii TV-yada wararkoodu ahaa.

Sidoo kale, waxay gudidu xalay gabi ahaanba xafladii xarunta madaxtooyadda ay ka xarimeen jaraa’idka iyo Mareegaha Internet-ka, iyagoo ku casuumay tobaneeye Telefishan oo  intooda badan aan laga lahayn dalka.

Tallaabada ay qaar ka mid ah warbaahinta kaga horjoogsadeen munaasibaddii xalay ayaa ka mid ah dhaqamadda sii kala fogayn kara warbaahinta iyo xukuumadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here