Guddoomiyaha UCID Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Xorriyadiisa Loo Celiyo Jillaa Dhalinyaro Ah
Hargeysa(Hubaal/ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa canbaareeyay xadhiga Wiil dhalinyaro ah oo muuqaalo riwaayad ah oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Madaxweyne Biixi ku baahiyay baraha Bulshadda.
Gudoomiye Faysal Waxa uu ka hadlay xadhiga Jillaaga dhalinyaradda ah oo magaca uu caanka ku noqday yahay Seyidka, kaas curriya majaajilooyin aad uga qosliya bulshada, isla markaana xanbaarsan farriimo la xidhiidha wacyiga Siyaasada iyo waxyaabaha ay Bulshadu tebayso ee ka turjumaya dhaliisha xukuumadda, balse ay Booliska Somaliland xabisga u taxaabeen maalintii doraad.
Seyidka, ayaa isaga iyo kooxdiisa oo u badan Dhalinyaro, isla markaana la baxay Kooxda Waddada Xaqa waxay muddooyinkii u danbeeyay samaynayeen muuqaalo kooban oo isugu jira maadays iyo qosol oo laga matelay xukuumada, kuwaas oo ay ku muujinayaan shaqada wasiirada qaar kamid ah iyo wasaaraddaha ay masuulka ka yihiin oo ay ku metelayeen sawirka guud ee waxyaabaha ka jira.
Qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada, ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay, iyadoo inta baddan Bulshadu la dhacday muuqaaladaa ay baahiyeen kooxda dhalinyarada ah, balse xukuumadda ayaa markaa kaddib xabsiga u taxaabtay wiilka dhalinyarada ah ee Jillaaga ah.
Hase yeeshee Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga wiilka dhalinyarada ah ee Jilaaga ah, wuxuuna xukuumadda uga digay in aannay waxyaabaha aduunku inagu majeerto ee xoriyatul-qawlka dastuurku jideeyay aan loo bedelin xadhig.
“Madaxweynaha waxaan leeyahay Somaliland Bakhaar aad leedahay maaha xadhiga ha joojiso xukuumaddu, waa in sharciga iyo dastuurka la ilaaliyo, waxay ahayd in la xidho kuwa qabyaaladda ka hadlaya ee hadheeyay nidaamka dawladnimo.” Ayuu yidhi. Eng. Faysal Cali Waraabe oo booqday Carwo wax-soo-saarka dalka ee maxaliga ah oo lagu soo bandhigay waxyaabaha ay soo saaraan ganacsatada yar-yar, ayaa dhiirigeliyay dadka carwada kusoo bandhigay ganacsigooda iyo wax-soo-saarka dalka.
Wuxuu tilmaamay in dedaalka muwaadiniinta ay ka maqantahay oo ay tebayaan doorkii xukuumadda, sidaa awgeed loo baahanyahay in la taageero wax-soo-saarka dalka si horumar loo gaadho oo ay Bulshadu u noqoto mid dhanka wax-soo-saarka xoogga saarta.
Ugu dambayn, guddoomiye Faysal, wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Biixi in la joojiyo xadhiga sharci-darada ah, isla markaana xorriyadiisa loo celiyo jillaaga dhalinyarada ah.