“Maxaad reer WADDANI-yow Daamur ugu yeedheen, anigu inaadeerkay u yeedhan maayee Anigaa idinla hadlaya,” Faysal Cali-waraabe.
Faysal Cali-waraabe oo Fagaare Ka Shaaciyey Inuu Cabdilaahi Daamur Xisbiga WADDANI ku meteli Karin Fagaareyaasha ay Cartamayaan Isaga iyo Muuse Biixi…
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahan murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay hannaan barotakoolka iyo hab-maamuuska axsaabta ka baxsay oo ay xisbiga WADDANI uga qeyb-galeen barnaamij ay aqoon yahan Jaamacadda Hargeysa katirsani ku casuumeen hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.
Guddoomiye Faysal oo ay isaga iyo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi kamid ahaayeen madaxdii kulankaasi lagu casuumay, ayaa dareenkiisa ka muujiyey hannaanka liita ee ay WADDANI kulankaas ugu direen xubin heerkeedu hooseeyo oo xisbigaas katirsan, taas isku dayeysay inay magaca xisbiga WADDANI kaga qayb-qaadato kulankaas oo hadallo duur-xul ah la isku tuur tuurayey.
Cabdilaahi Daamur oo xil hoose ka haya xisbiga WADDANI, isla markaana kasoo jeeda beesha guddoomiye Cirro, ayaa isagu ahaa xubinta uu guddoomiye Faysal imaanshihiisa duray, waxana uu goobta ka sheegay inaanu u qalmin inuu magaca xisbiga ku metelo madal ay ku sugan yihiin murrashixiinta xisbiyada UCID iyo KULMIYE.
Faysal Cali-waraabe, ayaa ugu arrin aan sax ahayn ku tilmaamay inuu Cabdilaahi Daamur madasha hoggaanka sare ee axsaabta KULMIYE iyo WADDANI kasoo xaadiro, xilli ay dalka joogaan xubno badan oo xaq uga lahaa inay xisbiga metelaan, islamarkaana xilal muhiim ah ka haya xisbbiga, waxana uu yidhi, “Marka horeba daamur qalad buu ku yimi, inuu Cabdiraxmaan yimaadday ahayd, haddii uu maqan yahayna inaad aniga iyo Muuse isku kaaya daysaan bay ahayd.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qabyaalad darteed madasha loo keenay siyaasi Cabdilaahi Daamur, isla markaana aanu isagu siyaasi ahaan dhaqankaas lahayn, “Meeshana wax xisbi la yidhaahdaa kama jirtee Faysal Cali-waraabe iyo Muuse Biixi iyo cabdidraxmaane maxaad reer WADDANI-yow Daamur ugu yeedheen, anigu inaadeerkay u yeedhan maayee Anigaa idinla hadlaya,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Kulan uu guddoomiye Faysal Cali-waraabe ka duray xubinta uu xisbiga WADDANI usoo xulay madasha, ayuu sidoo kale ku dhaliilay dhaqannada xisbigaasi fagaareyaasha la yimaaddo, waxana uu si cad u sheegay inaanu xisbiga WADDANI dhaqan u lahayn inuu madal walba cidda ku haboon loo diro, isla markaana inta badan muhiimad gaar ah la siiyo xubnaha ay guddoomiyaha isku beesha yihiin, xataa haddii ay goob joog yihiin saraakiisha kale ee xaqa u leh inay magaca xisbiga ku hadlaan.
Su’aalo kala duwan oo halkaas ku weydiiyeen aqoon ka socday jaamacadda Hargeysa, ayey guddoomiyeyaasha UCID iyo KULMIYE halkaas kaga jawaabeen, waxase meesha laga waayey cid su’aalahaas ku metesha xisbiga WADDANI, maadaama xubintii metelaysay ahayd mid heerkeedo hooseeyo oo aan awoo u lahayn inay su’aalaha xisbiga ku saabsan jawaabo waafi ah ka bixin karta.