Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Muranka Maaliyadeed ee u dhexeeya Baanka BCIMR iyo Ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geelle Arab, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay buuq ka dhex abuuray Bulshada Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Ganacsade Geelle loo xoog sheegtay.