Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali-waraabe oo xalay goor dambe waraysi siiyay Bulsho tv, ayaa hadlay kulan uu xalay ugu tegay madaxweynaha somaliland, Muuse Biixi, kaasi oo sida uu sheegay ay kawada hadleen xaaladda jirta iyo xadhigga saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo xalay fiidkii ciidanka boolisku xabsiga dhigeen.
Guddoomiyuhu waxa ugu horreyn bulshada somaliland, gaar ahaan shacabka Hargeysa ku dhaqan ugu bushaareeyay in aanay wax dhibaato ahi jirin, isla markaana ay nabad ku seexdaan, kuna soo toosaan
Guddoomiye Faysal waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku dhaliilay xadhigga masuuliyiinta Waddani oo uu sheegay inay ahayd tallaabo lagu degdegay.
Waxa kale oo uu Eng Faysal Cali waraabe ka hadlay, bannaan-bax guddoomiyaha xisbiga Waddani ugu baaqay taageerayaashiisa inay isugu soo baxaan Isniinta maanta xarunta xisbiga ee Hargeysa.