“Wasaarad kasta waxa fadhiya nin aan aqoon lahayn, Agaasimayaashu cilmi ma laha, kuwa waaxaha haystaa aqoon ma laha, siyaasad baana lagu keenay…”Faysal Cali-waraabe
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn uga dayriyey tayada aqooneed ee masuuliyiinta xukuumaddu xilka ku aaminto, waxana uu shaaciyey in aqoon-darradoodu sababtay hoos udhac badan oo bulshaa ku yimi.
Guddoomiye Faysal oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sidoo kale xukuumadda ku canaantay doorka hooseeya ee ay kula dagaallamayso sicir-bararka iyo maciishadda kor u kacday, waxana uu soo jeediyey in danyarta loo gurmado oo noloshooda hoos loo eego.
Ugu horrayn Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in aqoondarradu hadhaysay masuuliyiin iyo madax badan oo xukuumadda katirsan, taasina ay sababtay inay adkaato abuurista xuluusha nolol xumada iyo rajo la’aanta lagaga bixi lahaa, “Maanta dhibaatada ina haysataa waa aqoondarro, dadkeenu cilmi ma laha, wasaarad kasta waxa fadhiya nin aan aqoon lahayn, Agaasimayaashu cilmi ma laha, kuwa waaxaha haystaa aqoon ma laha, siyaasad baana lagu keenay, dad siyaasad lagu keenay oo aan aqoon lahaynina dal ma horumarin karaan, markaa siyaasad baynu isugu nimiye waynu kala foofi doonaa,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Isaga oo hadalkiisa sii wata guddoomiye Faysal Cali-waraabe waxa uu ka hadlay dhibka uu sicir-bararku bulshada ku keenay, isaga oo shacabka ku canaantay inay lacagtoodii isticmaali waayeen, xukuumaddana ku dhaliilay inay tahli kari weyday inay cumladda qaranka hirgelin kari weyday, isla markaana ganacsatada maamuli kari weyday, waxana uu yidhi, “Sicir-bararka horto waddan aan waxba dhoofinaynin, wax kastana soo dejisanaya oo mushaharkii Dollar ku raba, qaadkiina dollar ku cunaya sicir-barar wuu ku dhacayaa oo waxa is dhaafaya lacagtii aynu u baahnayn iyo tii aynu helaynay, waana in la joojiyaa lacagta dollarka ah ee mushaharka lagu bixinayo iyo ta cuntada lagu cunayo.”
Faysal Cali-waraabe oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “Waddamada waaweyn wax ka badan toban kun oo dollar kalama bixi kartid, haddii lagaa helona waa lagaa qaadayaa, haddii aynu sharciga qof aawadii u dhoofno oo aanu sharcigii mid guud noqonin sharci ma aha kaasi, haddii aanay dawladdii ka adkaan weyday baayac-mushatarigii awoodeeddii way jabaysaa, meel lacag qalaad ku socoto oo lagu bixinayo biilashii dalkeenaa jira, lacagteeniina way istaagtay.”
Ugu dambayntii guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex maraya deegaannada Koonfurta gobolka Sool, waxana uu ku tilmaamay dibu-dhac horleh oo bulshada ku yimi, isaga oo intaas ku daray in sababta dagaalkani usoo noqnoqday tahay xallintiisa loo maray dariiq qaldan, “Dagaal qabiil waa calaamad jaahilnimo oo islaamku intaanu imanin ayaa reero reero la isku dili jirey, dagaalkanina wuu soo noqnoqday in badan baana la galay, waxase muuqata in habkii marka qabaa’ilku dhacaan loo mari jirey laga leexday, weligoodba reer miyigu way isdili jiree, laakiin hubka tiknikada ah may haysan jirin, lamana siyaasadayn jirin,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.