Hargeysa:(Hubaal)-Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga KULMIYE Md.Cabdikariin Axmed Maxamed(xinif), ayaa si waafi ah uga jawaabay eedo uu dhawaan guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali-waraabe u jeediyey xisbiga KULMIYE, kaas oo la xidhiidhay inaanu madaxweyne Siilaanyo waqtigan qayb ka ahayn halganka uu KULMIYE ugu jiro inuu hoggaanka dalka mar kale ku haaneedo.
Cabdikariin Xinif oo shalay ka hadlay madal uu KULMIYE kusoo dhaweynayey taageerayaal cusub oo kusoo biiray, ayuu meesha kaga saaray inay KULMIYE iyo madaxweyne Siilaanyo kala duwan yihiin, waxana uu caddeeyey inuu Axmed Siilaanyo yahay aasaasihii KULMIYE, islamarkaana aanu marnaba ka hadhi Karin guushiisa.
Cabdkariin Axmed Maxamed waxa uu shaaciyey in cid kasta oo ka sharraxan xisbiga KULMIYE guuldarro badi doonto guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana uu yidhi, “Faysal Cali-waraabe waxa uu laba u kala saarayaa KULMIYE iyo xukuumadda, laakiin waxan leeyahay ama Siilaanyo ha sharraxnaado ama Muuse Biixi-ye kollay labaduba adiga way kaa badinayaan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu shaaca ka qaaday inuu xisbiga KULMIYE wada Siilaanyo yahay, intii xisbiga ka hadhayna yihiin xubno saaqiday, “Siilaanyo waa odaygii xisbiga kamana uu tagin oo ma Siilaanyo la’a, KULMIYE-na waa wada Siilaanyo, inta kalena waa Ardaydiisii, inta saaqidiinta ah ee imtixaanka dhacdaana way ka yaacdaaa, qofkii dhacaana wuu iska tegayaa, laakiintii xisbnimadu daacadda ka ahayd xisbigay joogaan,” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Xinif.