“Feysal Cali Waraabe Waxaan Is Leeyahay Wisiisiga Cadhadii Dhulka Eeriboodhka Hargeysa Ee Uu Igala Tegey Ayuun Buu Is Yidhi Waar Xaggaad Ninka Ka Weerartaa Oo Uu Igula Dhacay”

0
166

“Faysal Cali Waraabe Afar Jeer Buu Xafiiska Iigu Yimi, Afartaas Jeerna Wuxuu Igala Hadlay Dhul Uu Doonayo In Loo Qaybiyo Dad Uu Danaynayay, Laakiin Waan Ka Diiday Oo Isagoo Caytamaya Ayuu Iga Tegey”

 “In Markaad Dadka La Hadlayso Aad; Aad Isu Qiiraysiiso, Marka Kalena Aad Hangoolka Miiska Ku Garaacdo Dee Ismaqabato Ayaan Leeyahay Faysal Cali Waraabe”

“Anigu Makhaayad Iyo Xafiis gaar Ah Ma Haysto Ee Wasaarad Baan Madax Ka Ahay, Dhaliishuna Waa Laba Nooc Oo Midna Waa Mid Shakhsi Weerar Ah, Midna Waa…..…” – Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) Oo Jawaab Ka Bixiyey Eedo Uu Guddoomiyaha UCID U Soo Jeediyey

 

 

 

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), ayaa ka jawaabay eedaymo uu   u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha UCID oo Arbacadii lasoo dhaafay  hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Arday ka qallin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in mar uu Boorama booqday ay Dadweynaha Reer Boorama uga cawdeen Wasiirka Hawlaha Guud, kaasi oo ay ku eedeeyeen buu yidhi inuu iibinayo Xarunta Badhasaabka Gobolka AWDAL, laakiin Wasiir Cali-Mareexaan oo ay maalintii shalay  Saxaafaddu waydiisay eedaymahaasi uu Faysal Cali Waraabe u jeediyey waxa uu sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo been abuur ah. “Shalay [dorraad] waan dhegeystay Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay jaamacadda Hargeysa qalinjebinteedii”, sidaas ayuu yidhi Wasiir Cali Marreexaan, waxaanu intaa ku daray “horta dad badan baa waxaa ay yidhaahdaan Faysal Cali Waraabe waxba ha ujawaabina laakiin tani jawaab maaha ee waa sixitaan. Faysal Cali Waraabe afar jeer buu xafiiska iigu yimi, afartaas jeerna wax isku mid ah ayuun buu igala hadlayay, afarta jeerba waxaa uu igala hadlayay dhul uu ku leeyahay Eerboodhka Hargeysa oo uu doonayo in la qaybiyo oo dad shicib ah looqaybiyo kuwaas oo uu isaguna aad iyo aad ugu lug lahaa oo uu u danaynayay, laakiin anigu afarta jeerba waan ka diiday oo isaga oo aad u cadhaysan oo caytamaya ayuu iga tegey”. Sidaas ayuu Cali Marreexaan yidhi, waxaana uu intaas ku daray “laakiin weligii igalama uu hadlin wax Boorama ku saabsan, markaa waxaan is leeyahay cadhadhii uu igala tegey ee Eeriboodhka Hargeysa ayuun buu wisiisigii is yidhi waar xaggaad ninka ka weerartaa oo uu igula dhacay. Sidaas darteed waxaan leeyahay aniga iyo isagu arrintaas [Boorama] kamaanu wada hadal, waligayna wax iskamaanu weydiinin laakiin haddii dhul laga hadlayana waraaqihiisii iyo faylashiisii waan hayaa oo dhulka magaallada ugu weyn iyo guryaha magaallada ugu weyn isagaa ay dawladdu siisay oo laba wiig markuu haystay warqaddii madaxweynaha ayuu iibiyey oo uu afar boqol iyo konton kun oo dollar siiyey oo uu shicib ka iibiyey, markaa in markaad dadka la hadlaysana aad aad isu qiiraysiiso oo qofkale aadiska dhigto, marka kalena uu midabkaaga runta ahi yahay inaad dhulka eeriboodka ku dagaalanto oo aad hangoolka miiska ku garaacdo dee ismaqabato”. Ayuu wasiirka hawlaha guud kaga jawaabay eedaha uu Faysal Cali Waraabe u soo jeediyey isaga oo weliba hadalkiisa ku macneeyey mid uu sixitaan kaga dhigayo eedaha Faysal bale aanay isaga ka ahayn jawaab. Geesta kale marla weydiiyey bal hanaanka dawliga ah ee loo iibiyo dhulka danta guud oo iinta badan ay siyaasiyinta mucaaridka ahi u nisbeeyaan wasaaraddiisu inay si gurracan umaamusho waxaa uu Cali Marreexaan ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin eedahaasi ay mucaridku soo daliishadaan “anigu makhaayad iyo xafiisgaar ah ma haysto ee wasaarad baan madax ka ahay dawladeed,markaanu baarlamaanka joognayna shaqo qaran baanu haynay, dhaliishuna waalaba nooc oo midna waa mid toosin ah oo dhaliisha waad aqbali karaysaa markaa midna waa mid uu qofku si hoose ooaan shakhsi weerar ah uu dhaliilayo,immikase dhaliishu waxay isaga badataa inta mikirifoon la isa soo taago in qofka cay lagala daallo taasina dadka waxba kama bedesho. Mida kale haddaad eegto miisaanniyada dawladda guryaha la iibiyo waxaa ka badan guryaha la dhiso, dawladduna waxa ay ka shaqaysaa inay dalka horumariso oo ay wax dhisto,haddaad immika meel iibisana waa inaadmarka hore sifo sharci ah aad hantidii  miisaaniyadda ugu dartaa oo aad ku dartaa meel soo koobida dakhliga ku jirta isla markaana waa inay ka muuqataa kharashka wixii lagu qabtay”. Ayuu  hadalkiisa ku soo gunaanaday wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeyntu Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here