Filasho Wacan: Hablaha Aqoonta Leh Miyaa laga Takooraa Shaqooyinka

0
139

Akhristayaasha sharafta mudan ee ku xidhan Wargeyska HUBAAL iyo Barta uu degelka xidhiidhka bulshada ku leeyahay ee Hubaalmedia.net, waxa aanu ugu bushaaraynaynaa in cadadka berri maaha ee sahan-dembe ee Axadda Bishu tahay 23 August, 2015 aanu u soo daabici doona qorrmo ka hadlaysa doorka ay hablaha wax bartay ama aqoonta maadiga ah iyo midda diiniga ah leh labaduba ay ku yeeshaan shaqooyinka kala duwan ee la baahiyo mid dawladeed iyo mid gaar ahaanneeba.hablaha aqoonta leh miyaa laga takooraa shaqooyinka

Qormadan oo xambaarsan xogo ka turjumaya kaalinta ay gabadha wax la baray ku leedahay horumarka bulshada, kuna baraarujinaysa mujtamaca sida loo dhaadan yahay waxtarkeeda, waxa wax ka qoray islamarkaana si cilmi iyo garaadsami ku dheehan tahay u falanqeeyey aqoonyahan Maxamed Cali Bile.

Su’aalaha ay qormadani ka jawaabayso waxaa ka mid ah

  1. Hablaha Kartidooda iyo aqoontooda ma shaki ayaa ku jira?
  2. Ganacsatada Waaweyni ma heshiis ayay ku yihiin inaan hablaha shaqo la siin?
  3. Dalka ma waxaa ka jira dad wata ajande xuquuqda hablaha daadifaynaya?
  4. Dawladdu Maxay ka qabtaa tacliinta hablaha iyo ka qayb qaadashada dib u shiska dalka?.

Waxa kale oo aan Akhriste  hubaa in qormadan marka aad akhrido  aad jawaabo u heli doonto su’aallo badan oo maskaxdaada ka dhex guuxaya kuwaas oo aad qeexitaankooda warcelin u weyday.  Haddaba ha moogaan oo yaanay ku seegin inaad ka mid noqoto akhristayaasha qormadan ku soo bixi doonta haddii rabbi idmo cadadka Axadda ee Wargeyska HUBAAL ee ku taariikhaysan 23th August 2015 in uu soo baxo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here