Waxaanu Bogaadinaynaa Weriye Axmed Cumar Axmed (Timo) oo Ka Tirsan HUBAAL Oo Qelinjebinta Shalay Ka Mid Ahaa
Hargeysa(Hubaal)-Dufcadii shanaad ee dhameysatay waxbarashada Machadka Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban 214Arday ayaa shalay loo sameeyey xafladii qalinjabinta, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta sare ee Axsaabta, Golayaasha, Madax ka kala socotay qaybaha bulshada iyo Waalidiin. Madaxweyne Silaanyo oo khudbad ka jeediyey munaasibadaasi ayaa waxa uu yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay, inaan ka soo qayb galo Munaasibaddan lagu maamuusay masuuliyiinta ka tirsan Shaqaalaha Dawladda, ee maanta ka qalin-jebinaya Machadka Shaqaalaha Dawladda. Ugu horreyn, waxaan u hambalyeynayaa Mas’uuliyiintan qalin-jebisay iyo Macallimiintii tacabka badan galisay. Sidoo kale, waxaan u hambalyeynayaa Waalidiinta, Madaxda Wasaaradaha ay ka tirsan-yihiin iyo Maamulka Machadka Shaqaalaha Dawladda. In kasta oo aad gaadheen guul weyn oo noloshiina iyo ta qarankaba saamayn weyn ku leh, waxaan idin leeyahay waxbarashadu ma dhammaato, lagamana gabboobo, ee halkaa ka sii wada aqoon-korodhsiga iyo dadeelka waxbarashada. Waxa kale oo la idiinka baahan yahay inaad uga faa’iidaysaan aqoontan aad barateen, adeeggii aad ummaddiina u hayseen. Xisbiga Kulmiye markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19-sanno ah. Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo 3-da bilood ahayd ee ay tallada dalka haysay 9,346 shaqaale. Waxaanu xoog saarnay in aanu shaqo abuurno, isla markaana shaqaalaha qaranka ku soo kordhinno da’yar fir-fircoon oo aqoon leh. Dhinaca kale, waxaanu xoog saarnay in la tayeeyo, waxna la baro Shaqaalaha Dawladda, si loo helo shaqo fiican oo hufan. Muddadaa waxa wax-la-baray oo machadkan ka qalin-jabiyey shaqaale dhan 3,487 oo isugu jira tababbaro gaagaaban (Short Courses), Diploma, Degree iyo Master.” Ayuu yidhi Madaxweyne siilaanyo. Dhinaca kale Axmed Cumar Axmed [Timo) Oo Ka Mid Ah Hawl-wadeennada Wargeyska HUBAAL oo isna ka mid ahaa Ardaydii shalay ka qalinjebisay CSI, ayaa dareenkiisa ku aadan farxadda munaasibaddaas ku cabiray qoraal kooban oo uu ku daabacay boggiisa Facebook-ga. Qoraalkaasi oo dhamaystiranna waxaa uu dhignaa sidan: “Al-xamdulillaah. Waxaa maanta ii hirgashay inaan gaadho mid kamid ah ahdaaftii aan ka lahaa noloshayda adduunka, waxaan ku guulaystay degree-gaygii koowaad ee jaamacadda oo aan taariikhdayda waxbarasho ku dhaabadeeyey. mahadda eebe dabdeed waxaan u mahadnaqayaa waallidiintayda qaaliga ee sababta u ahaa inaan heerkan soo gaadho oo ay ugu horrayso hooyaday macaan iyo walaalkayga iga weyn Maxamed Cumar. Ma wada magacaabi karo shakhsiyaadka abaalka badan u hayo balse qoraalo kale ayaan ku xusi doonaa…. waxaan hambalyeynayaa dhammaanba ardayda aanu wada qalinjabinay”. Ayuu yidhi Mr. Axmed Timo. Annaguna haddanu nahay bahda HUBAAL Media Network waxanau bogaadin iyo hambalyoba isugu daraynaa dhammaanba ardayda ka qalinjebisay CSI, gaar ahaanna Weriye Axmed Cumar Axmed Oo HMN ka tirsan, waxanu leennahay alla ha kugu anfaco cilmigaad baratay.