Dimishiq-(Hubaal/Gudgudenews)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintey,halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen,kaddib markii lagu tuurey foostooyin bambaanooyin ah oo ay ka buuxaan miinooyin goobaha ay ka taliyaan mucaaradka dalka Suuriya ee magaalada Aleppo. “At least 24 funeral mourners have been killed and 30 others wounded in a barrel bomb attack in a rebel-held area of Aleppo”Aljazeera. Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Suuriya ayaa la sheegay inay duqeyn arxan daro ah u geystay magaalada Aleppo ee waqooyiga Suuriya.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegeysa in foostooyin ay ka buuxeen bambooyin dusha sare lagaga soo daadiyay qeyb ka mid ah magaalada Aleppo ee ay heystaan Mucaaradka. Dadka ugu badan ayaa ku dhintay goob ay ka socotay tacsida carruur todobaadkii hore ku geeriyootay duqeyn, waxaana ehelada dadkaas oo teendhooyin ku jiray lala dhacay foostooyin bambooyin ku jira. Gaadiidka ambalaaska ee gurmadka deg dega oo u soo gurmaday goobta, kana qaadayay dhaawacyada ayaa waxaa ku soo dhacay madfac kale, taasoo bur bur aad u xooggan gaadhsiiyey gaadhigii ambalaaska ahaa ee ay wateen kooxaha gurmedka deg-degga ah. Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay ka dambeysay duqeyntan, hase ahaatee dowladda Suuriya oo saaxib la ah Ruushka ayaa dhankeeda u ku eedeysay inay duqeyntaas ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka.