Fu’aad Aadan Cadde Oo Arday reer Somaliland Ahi Ku Siyaaratay Cusbitaalka Istanbul Ee Uu Jiifo

0
41

Istanbul (Hubaal)- xubno ka mid ah Ardayda reer  Somaliland ee wadanka Turkiga Wax ka barta ayaa cusbitaalka ku booqday La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha bariga Fu’aad Aadan Cadde oo  in dhawaalaba xanuun u jiifay. Fu’aad Aadan Cadde oo u warramay ardayda booqatay ayaa uga  mahad naqay  siyaaradooda iyo ducada ay u soo duceeyeen.  arday booqatay fu'aad aadan cadde oo cusbitaal jiifaLa Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha bariga Fu’aad Aadan Cadde oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa ay ii keeneen Ardayda reer Somaliland iyo reer Istambuul, waa dad wanaagsan oo ducada ILAAHAY waa ii aqbalayaa, insha allaahu Hargeysa ayaanu isku sugaynaa oo aanu isgu iman doonnaa” Fu’aad Aadan Cadde ayaa dalka turkiga loo qaaday kadib markii uu muddo shan toddobaad ah  dhaawac ka soo gaadhay shil Madaxtooyada ku haleelay u jiifay cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here