Musharaxiinta labada xisbi ee Mareykanka ugu weyn, Hillary Clinton oo dhinaca Xisbiga Dimoqraadiga ka socota iyo Donald Trump oo ka soo jeeda dhinaca Xisbiga Jamhuuriga ayaa dooddii ugu horreysay ay Xalay foodda isku dareen.
Dooddan ayaa qeyb ka ah saddex doodood oo loo qabto labada qof ee ku loolamaya xilka Madexweyninimada Mareykanka ayaa bilaabantay saacadda magaallada New York markay ahayd 9:00 fiidnimo, iyada oo ka qabsoontay jaamacadda HOFSTRA ee ku taal magaaladsa Hempstead ee gobolka New York.
Dooddan waxaa ka qayb gashay daawashadeed oo daawanayay dad kor u dhaafaya boqol malyuun oo ruux, wareegii hore ee doodda ayaa labada musharrax weerar iyo weerar celis isku bilaabeen iyada oo ay xagga jiibta iyo jaanta horreysay Hillary oo daawadeyaashu aad ugu sacabinayeen.
Haddaba Muuqaalka Dooddii labada musharrax oo dhamaystiran oo ay idiin soo diyaariyeen bahda HUBAAL Media kadaawo hoos: