Run ahaantii fursad walbaa waxay leedahay caqabad. Waayo? Hadaanay caqabaduhu jireen ma ay jirteen fursad lunta oo laga faa’idaysan. Fursaduhu waa kuwo kooban oo furayaal u ah guusha halka caqabaduhu ka yihiin kuwo badan. Caqabad kasta oo fursad ku ladhan sida loo kala xaliyaa waa sida lagu kala guulaysto. Caqabaduhu waxay kugusoo maraan noocyo badan oo kala duwan. Sida; Caqabad farsamo, caqabad Dhaqaale iyo Dad caqabad ku noqda fursada umada faa’idada u ah. Mida u daran ayaa ah mida dadku ay isla iyagu caqabada ku yihiin fursada Horumarka Bulshada ay kamidka yihiin.
Sida muuqata Gobalka Awdal wuxuu cagta saaray dhabadii Horumarka. Marka loo eego fursada wacan ee uu haysto. Kuwaasoo ay kamid yihiin;
1. Dhismaha Jidka Laamiga ah ee Iskuxidhi doona geeska Africa gaar ahaan Jigjiga -(Ethiopia) + Borama -(Somaliland) + Jabuuti -(Djibouti).
2. Horumarinta iyo soo saarista Dalaga Beeraha iyo maal galinta waxsoosaarka beeraha.
3. Maalgalinta iyo sosaarista Kaluunka Xerbaha Kalyumaysatada Bada.
4. Maalgalinta khayraadka dhulka & soosaarista Macdanaha Gobalka Awdal qaniga ku yahay.
5. Iyo wax lamida oo aynaan halkan ku koobi karin.
Fursadaha Gobalka Awdal haysto oo ah kuwa maanta ugu qiimaha badan ee saamaynta wanaagsan ku yeelanaya mustaqbalka jiilasha dambe Ayaa waxa jira caqabado badan oo ku gadaaman iyo shirqoolo loo maleegayo sidii ilahaa dhaqaale uga xidhmi lahaayeen gobalka taaso ay hirgalinayaan qaar kamida odayadii Gobalka ee looga baahna inay wanaajiyaan mustaqbalka ubadkooga iyo kuwo ka daran oo ah isla dhalinyaradii fursadahan wanaagsan ka faa’idaysan lahaa oo noqday kuwo loo adeegsanayo rabshadaha iyo fadeexaynta dadka danahooga ka shaqaynayay ee saraynta iyo guusha la jeclaa ama lexlojeclada ka lahaa. Arimahaasi oo dhan waxay salka ku cayaan caqabado fursadaha lagu wiiqayo, shirqoolo loo maleegayo fursadaha taagan iyo kaladil lagu diviifinayo wadajirka bulshada gobalka Awdal.
Balse, waxay xaqiiqadu tahay in aan la isku habran doonin. Lana iska yeeli doonin waxyeelada Nabadgalyada uu Gobalku ku calanka yahay Iyo Horumarka uu inta badan hiigsanayay. Waana lagama maarmaan in dadka wax garadka ahi inay caqliga ka shaqaysiiyaan oo ay si cudud leh uga hor yimaadaan kuwa nolashooda dayaca iyo hoosaynta u horseedaya haday tahay kuwo dagaalo iyo sharci diid ku baaqaya, kuwo jabhado iyo kuwo abaabula colaado amniga waxyeelaynaya wada.
Midnimaa lagu meel maraa
Nabadba naas lanuugo leh.
Cabdishakuur Maxamd
Boorama Soomaliland Cabdishakuur@gmail.com