Fursadaha uu Haysto Maareeye Ku Xigeenkii SLNTV Oo U Tartamaya Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya

0
50

Fursadaha Siyaasiga ah ee uu Haysto Maareeye Ku Xigeenkii SLNTV Ee Mudanaha Baarlamaanka Xamar Noqday Oo U Tartamaya Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya

 

Muqdisho(Hubaal)- Xildhibaan Mustafe Maxamuud Qodax, oo ka tirsan aqalka sare ee dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa caddeeyay   qorshe uu iskugu sharraxay Guddoomiyenimada aqalka sare.

Mustafe Maxamuud Qodax oo ah siyaasi reer Hargeysa ah oo agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha iyo Maareeye ku-xigeenka TV-ga qaranka ka soo qabtay xukuumadda Siilaanyo, waxa uu iclaamiyay murrashaxnimadiisa, waxaanu tilmaamay inuu ka qaybgalayo doorashada shirgudoonka aqalka sare ee Soomaaliya oo lagu wado inay maalinta Axadda ee fooda innagu soo haysa ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho.

Fursadaha uu hayso iyo ray’ul caamka Muqdisho:

Dadka siyaasadda Soomaaliya odorasa, ayaa soo dhaweeyay murrashaxnimadda Senator Mustafe Qodax, iyagoo ku doodaya in shirgudoonka Golaha shacabka Soomaaliya ay wada yihiin reer koonfureed, isla markaana maadaama oo laba aqal la sameeyo siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya ku sugani ay xaq u leeyihiin in saamigooda laga siiyo saddexda xubnood ee shirgudoonka aqalka Sare.

Waxa kaloo la sheegay in ray’ul caamka bulshadda reer Muqdisho ay aragti sax ah u arkaan in Guddoomiyaha aqalka sare loo doorto xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland.


ssss

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here