Cabdiraxmaan Mujaahid Maxamed Talyaani
Hargeysa(Hubaal) – Cabdiraxmaan Maxamed Talyaani, oo uu dhalay Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Talyaani oo ka mid mujaahidiintii halgankii dib u xoreynta qaran ee JSL ayaa caddeeyay in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland uu ka haysto gaadhigiisii.
Qoraalka uu na soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyaani ayaa u dhignaa sidan:-
“Waxaan rabaa inaan bulshada reer Somaliland inta caddaalada jecel u bandhigo in Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Cali warancade uu xoog iyo sharci darro igaga haysto gaadhi aan leeyahay.
Waxaa jirtay Ha’yad kamid ah hay’adihii wadanka ka baxay laba sano kahor oo lagu magacaabi jiray Somaliland Resources Analysis Center(SRAC) oo mudo laba sano iyo badh ka hawl geli jirtay Caasimada Somaliland ee Hargeisa, anigoo kamid ahaa shaqaalaha Hay’adaasi, kadib Ha’yadaas wadanka waa ay ka guurtay iyadoo wixii hanti iyo qalab ahaa ee xafiiska uu gacanta ku hayo masuulkii xafiiskaasi.
Cali warancade wuxuu ogaaday in hay’adaasi guurtay kadib wuxuu markiiba geeyey xarunti hay’ada askari uu adeer u yahay oo katirsan ciidanka SPU-da oo lagu magacaabo qalinle.
Cali waran cadde wuxuu amar ku bixiyey inaan xafiiskaas cidina gelin cidina ka bixi Karin iyadoo waxaa keliya ee markaas dhexyaallaa ay ahaayeen Gaadhi Xaajiyad ah oo ah nooca aanay xabadu Karin iyo laba gaadhi oo yaryary oo Toyota Crown ah oo mid ka mid ahi ahaa gaadhigeyga oo xaruntra markaas yaalay.
Waxaan u tegay Cali warancade anigoo u sheegay inaan gaadhigan anigu leeyahay oo aan hayo dhamaan dhokumentigii sharciga ahaa ee lahaanshaha gaadhigan sida:Buugii gaadhiga oo weliba kala wareejisan, warqadii nootaayada sharciga ahayd ee aan ku iibsaday gaadhigan iyo weliba warqad kale oo cadayna oo ku saxeexan yahay masuulkii xafiiska haystay kuna cadeynayo inaan gaadhigan anigu leehayay ee aanu kamid ahayn hantida xafiiska.
Cali warancadde wuxuu si badheedha isaga indha tiray dhamaan cadaymihii sharciga ahaa ee aan hor dhigay, iyadoo weliba marar badan ay u tegeen odayaal uu hormood ka yahay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo weliba dhalinyaro si toosana uu ugu gacan saydhay.
Aad iyo aad waxaan halkan uga mahad celinayaa Suldaan Xiiray iyo odayaashii faamliga ahaa ee sida xilkasnimada leh arintaas uga hawlgalay. Cali Warancadde waa masuul qaran ana waxaan ahay nin dhalinyaro ah, hanti iyo mansab aanu isku haynaa midna majirto hadana waxaan is weydiiyey sababta keentay duudsiga cadaanka ah iyo ujeedada wasiirku Cadaalada indhaha uga xidhay.
Taasi kadib waxaan xasuustay hadalo hore looga sheegi jiray oo ahaa inuu Cali warancadde neceb yahay isla markaana dhibsado magaca SNM iyo cida ku abtirsada, dabadeed waxaaban is idhi waar malaa odaygu wuxuu kaa uriyey SNM –nimo waayaabe!, isagoo horena u yidhi “SNM waxay ahaayeen fulayo yaacay”. Hadana waxaan is idhi odaygu malaa wuxuu kugu ag arkay cid aanay isku fiicney oo uu kula jiidhay!.
Iyadoo ay taasi igu dhacday ayaa hadana Cali Warancadde uu si badheedha u siiyey mid kamid ah gawaadhidii xafiisku lahaa askarigii uu adeerka u ahaa ee uu meesha u dhiibtay.
Waxaan aad ula yaabay waxa ku kelifay Cali warancadde in anigana xaqaygii aan mudo sanad iyo badh ah ka daba socdo askari uu adeer u yahayna hantidii xafiiska siiyo.
Waxaa ayaan darro ah in masuul kamid ah masuuliyinta qarankan ugu sareeyaa uu xaqii shacabka dhaco, halkii aanu ka filaynay inaanu helno xuquuqdii aanu wadankan ku lahayn!.
Waxaan kusoo koobayaa Cali Warancadow qiimo iyo sharaf weyn ayaanu ku leenahay wadankan halka aad naga eegtayna maaha arintu,waxaan xasuustay hadal murtiyeed ahaa:
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Masa inaanu nahay oo tolnimo meerto nootahay
Masalaha ninkaan ii dhigeyn midig ma saaraayo
Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho.
Faahfaahinta Gaadhiga:
Nooca Gaadhiga: Toyota crow
Lambarka ama taarikda gaadhiga 43556
Moodelkiisa:( Model) 2001
FG;Waxaan halkan kusoo bandhigayaa oo warbixintan ku lifaaqan dhammaan caddeymihii sharciga ahaa ee lahaanshaha gaadhiga sida: Buugii gaadhiga oo kala wareejisan iyo weliba warqadii ama qoraalkii nootaayada shariga ahaa ee aan ku iibsaday.