Sida la wada og yahay ayaandarro weyn baa bulshada soomaalida ku dhacday. Burbur iyo barakac baahsan, dawlad la’aan, colaad aan dhammaad lahayn, macaluul iyo silic oo dhan baa la arkay. Waxaa luntay awood kasta oo bulsho is ku ilaaliso cadawgana is ka ga caabbido. Ummad weyn oo ilbaxnimo leh haddana haad iyo haanraawe u baylahday baa markii kowaad dunida la gu arkay.
Duruufaha adag ee soomaalida ku dhacay iyo kuwa la caynka ah goor walba cido u heegan oo ka faa’iidaysata ayaa jira, waana cido ka la dano duwan. Sannadkii 2007 ayaan akhriyay buug berigaa cusbaa lana yidhaahdo The Shock Doctrine, oo ay qortay gabadha caanka ah ee Kanada u dhalatay lana yidhaahdo Noami Klein. Ciwaanka buuggaa wax aynnu ku soomaaliyeyn karnaa ”Xeeladda Argaggaxa”. Buuggaa intii aan akhriyayay waxa aad moodaysay Noami Klein in ay wax qalbigayga ka buuxay oo aan fahmi la’aa ii turjumayso. Wax ay ka sheekaysay sida ay shirkadaha waaweyn iyo dadka awoodda lihi dunida u ga wadaan argaggixin joogto ah iyo balaayooyin la abuuray: dagaallo, barakicin, dhiig miirasho… Iyo sida taa la midka ah ee ay uga faa’iidaystaan masiibooyinka dabiiciga ah ee dunida ka dhaca: colaadaha, duufaannada, dhulgariirka, cudurrada iwm. Waxaas baa ama la abuuraa ama la buunbuuniyaa oo dadka dunida la gu wajaqiyaa si naftooda loo mashquuliyo dabadeed dan walba oo la doono loo marsado.
Haddaba soomaalidu intii ay hoogaysay baa wax walba oo la doono la dhex gashaday oo la gu fushaday. Meelaha aad loo ga farageliyay waxaa ka mid ah diinta. Wadaaddada ayaa weligood soomaalida diinta u ilaalin jiray. Kalaguurkii Islaamkii cusbaa iyo diintii hore ee Geeska Afrika ka dib, Diinta Masiixiga ayaa ahayd ta ay soomaalidu gaashaanka u haysay weligeed. Diimaha kale, tusaale ahaan ta Yuhuudda iyo Hinuusku dhulka ha soo gaadheen laakiin awood la ga baqo ma ay yeelan. In ay soomaalidu qarniyo badan muslin wada ahayd waxaa sabata kowaad lahaa dadaalkii wadaaddada, kuwaas oo aan dhulka soomaalidu ka la xigin, degmada iyo gobolka ay doonaanna degi jiray oo diinta dadka bari jiray. Iyaga ayaa habeen iyo maalin heegan ahaa oo diin walba oo dhulka soo geli lahayd isha ku hayay. Waa taa sababta ay Diinta Islaamku soomaalida ugu xoogganayd ee loo ga furfuri waayay.
Haddaba afartaneeyadii sannadood ee u gu dambeeyay wadaaddadii waxaa soo dhex gashay fadqalallo aad u weyn. Wax ay ka bilaabatay dalka Sacuudiga oo lacag badan yeeshay dabadeed fikir diineed oo Wahaabi la yidhaahdo soo afrogay. Dabadeed wadaaddadii soomaalidu waa ay qaybsameen, qaar baana arrintaa xagjir ku noqday oo galay dhaqan aad u qallafsan oo argagixiso loo bixiyay. Haa, argagixiso ayay noqdeen, waayo cid wal oo ka aragti duwan waa ay argagixiyeen. Ugu horraynba maatadoodii ayay gumaad iyo argagax badeen. Dhanka kalena soomaalida wax ay u soo jiideen cadaawadda dunida. Dhulkii soomaalida oo dhan maanta waxaa ka socda olole colaadeed oo loo bixiyay ”la dagaallanka argagixisada”. Shanta qaaradood baa la isaga habarwacday, dhulkiina bad iyo berriba waa la ga soo farageliyay. Dhammaan maamullada dadka soomaalida xukuma waa loo kaashaday dagaalka. Ilaa halkaa baaqu waa ”argagixiso la dagaallan” la is la oggol yahay, heer caalami, heer gobol iyo heer ummadeedba.
Laakiin, intii taa la gu sii jeeday ayay mid kale meesha soo gashay. La dagaallanka argagixisada waxaa dhex socda dano kale oo badan. Danahaa waxaa ka mid ah halgan dadka soomaalida la gu kiristaamaynayo. Dawladaha leh argagixisada ayaannu dhulka soomaalida ka baabbi’inaynnaa iyo hay’adahooda bani aadamnimada ka shaqeeya badankoodu waa awoodo masiixi ah oo faafinta diintooda u heellan. Habeen iyo dharaar soomaalida gaajaysan ee ay quudinayaan ayay silica u ga faa’iidaystaan oo diin iyo fikrado kale oo aan la is ku ogayn ku dhex fidiyaan. Qofkaa saxariirsani itaal uu taa ka ga badbaado ma leh, duruufta halkaa dhigtayna tol iyo taag toonna u ma haysto. Gaajaduna waa cadaw. Akhlaaq ahaan waa arrin foolxun in cid gaajaysan sidaa loo bahdilo, laakiin xeer in sidaa loo dhaqmo dunida u diidayaa ma jiro.
Tusaale ahaan lix boqol oo kun oo qof baa caawa qaxootinnimo u gu xeraysan Dhadhaab. Dadka intaa tiro la’eg waxaa masuul ka ah oo qudha cidda halkaa ku quudisa oo u badan quwadaha hodanka ah, oo ay kuwa masiixiyadda faafiyaa ka buuxaan. Lixdaa boqol ee kun waxaa ka sii badan soomaalida dalkeeda iyo dunida daafaheedaba baaxaadegaysa.
Wadaaddadii weligood xilka ilaalinta diinta hayay maanta hawshoodii waxaa dhabqiyay fikirka xagjirka ah iyo duufaanta uu wato ee argagixisada, taas oo sabab iyo marmarsiinyo u noqotay in nolosha iyo dhaqanka soomaalida sii la doono loo soo farageliyo. Caawa 600 000 ee maatada ah ee ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab ma jirto cid masuul ka ah oo aan ahayn cidda halkaa ku quudisa. da u dhiidhida in ay diintooda iyo dhaqankooda difaacdo waxaa la gu shaabbadaynayaa ”argagixiso”. Wadaaddadii nabadeed ee diinta ilaalin jiray haddii ay danaha quwadaha wax kiristaameeya ka hor yimaaddaan wax ay ka baqayaan in la gu sheego ”argagixiso”. Dhanka kalena ka aamusidda arrimo badan wax ay ka dhiganayaan taageero ay is ka ga caabbiyaan kuwa hubaysan ee ay is hayaan.
Maanta durba waxaa bilaabatay in warbaahinta la gu faafiyo tirakoob cusub ooo dhanaya soomaalida 2% waa kiristaan (qaarkood intaa waaba ay ka badiyaan). Waa hubaal soomaalida diintoodii cuntada loo gu beddelay in ay aad u badan tahay. Waana hubaal oo weedhii soojireenka ahayd ee soomaalidu 100% waa muslin maanta waa taariikh la soo dhaafay.
Qof wal oo muddakar ahi waa u xor diinta uu qaadanayo, fikirka iyo xeerka cusub ee soomaaliduna waa in uu taa oggolaadaa. Haddii kale ka ma mid ahaan karno dunida cusub ilbaxnimo ahaan iyo waaqici ahaan, waayo innagaba diinteenna iyo dhaqankeenna dunida oo dhan baa u furan oo la ga oggol yahay. Ha ahaatee akhlaaq ahaan ma hagaagsana in maato gaajaysan oo silicsan cuntada la siinayo diintooda la ga ga beddelo. Bani aadamnimada ayay sidaasi ku xun tahay.