Go’aammadii La Filayay In Ay Gaalkacayo Nabad Ku Soo Dabbaalaan Oo Dib U Huriyey Qul-qullatadii Ay Shacbigu Ka Digayey
Galkacyo (Hubaal)-ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyey 15-qof oo shacab ah, ayaa ku dhintay 4-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qadhaadh oo maalintii shalay ka dhacay Magaalada Galkacyo, kaas oo u dhexeeya Maamullada Gal-mudug iyo Puntland. Dagaalkan, ayaa qarxay saacado yar kadib markii heshiis xabad-joojin ah oo uu goob-joog ka ahaa Ra’isal wasaaradaha Soomaalia Mudane Sharma’arke labada dhinac kala saxeexdeen, kaas oo si lama filaan ah u burburay. Dagaalkan, ayaa la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxana madaafiic tiro badani ku hoobteen badhtamaha magaalada iyo goobaha shacabku deggenayaayeen, iyadoo dadka dhintayna la sheegayo inay u badnaayeen Rayidka magaalada Deggen. Lama sheegin wax horumar ah oo dhinacyada is hayaa ka gaadheen dagaalkaas, waxana ciidamadu wali isku horfadhiyaan Goobihii ay hore ugu sugnaayeen, waxana socota isu habar-wacasho xad-dhaaf ah. Dhinaca kale waxa xalay fiidkii hore Goob magaalada Gaalkacyo ku taalla la iskugu keenay Madaxweyneyaasha labadaas Maamul, Madaxweynayaasha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo midka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, waxana ay wax iska weydiiyeen Dhibaatada Halkaas ka taagan. Shirka ay yeesheen Labada Madaxweyne ayaa sida aanu Wararka ku helnay waxa uu ka dhax dhacay Gudaha Gaadhi Nooca aan xabaddu karin, waxaana shirka labadan masuul kula jiray oo dhex dhexaadinayay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno kale oo Dowlada Federaalka katirsan. Labada Hogaamiye ee Puntand iyo Galmudug ayaa kawada hadlay dagaalkii maalintii shalay mar kale ka qarxay Magaalada Gaalkacyo, waxa ayna labada masuul kulankooda diirada ku saareen sidii Nabad loo kala dhax dhigi lahaa labada Ciidan ee dagaallamay. waxaa sidoo kale shirka diirada lagu saaray sidii loo dhaqan galin lahaa Heshiiskii ay laba maalmood ka hor Magaalada ay ku kala saxeexdeen labada Hogaamiye oo dhigayay in lakala qaado labada Ciidan sidoo kale xabad joojin loo kala dhax dhig dhigi lahaa dhinacyada dagaalamay. Wali si dhab ah looma ogaan karo shirka ay yeesheen Gaas iyo Guuleed iyo natiijada rasmiga ah ee kasoo baxday shirkaasi iyo wixii ay isku afgarteen, waxaana shirka xoogiisa looga hadlay sidii looga baaqsan lahaa in mar kale dagaal uu ka dhaco Magaalada Gaalkacyo. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Md Maxamuud Xasan Soo-cadde, “markii loo dareeray in ciidamada la kala qaado, ayaa dhinaca Puntland madaafiici kasoo dhacday, annaguna jabhad ma nihin ciidankayaguna ma aha qaar go’aamo iska qaata, mana jira askari heshiis dawladdi gaadhay jebin karo, qorshahayaguna waxa uu ahaa in ciidamadii hore ee goobta naga joogay dib loo qaado. “Raggii cadaado ka yimi nabad diyaar uma ahayn, waxana jira Meelo kale oo colaado laga hurinayo oo ah in cidda dagaallamayaa ay yihiin ciidankii qaranka soomaaliyeed oo calankoodii iyo cududoodiiba wata,” Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Md Maxamuud Aadan Cismaan “ “heshiiskii waxa buriyey ciidanka Puntland oo saaka weerar qaawan kusoo qaaday fadhiisimada Ciidamada Gal-mugud iyo waliba goobo shacabka fadhiisimo u ahaa, waxa ay sheeganayaan waa af gobaadsi iyo been abuur, arrinta ciidamada Federalkuna meesha ma joogaan oo waa la wada og yahay, xaddii xabaddii lagu soo ridaba haddii ay Ciidamada Federalka u yaqaaniin waa gaar, laakiin meesha annagaa joogna. Dagaalkana waa nalagu qasbay oo waa nala daan daansaday wixii cawaaqib xumo ah ee halkaasi ka yimaaddan waxa masuuliyadeeda iska Leh Maaamulka Puntland.”