GABAY: Keena-diid Mid Ka Mid Ah Gabayada Ku Daabacan Diiwaanka Maansooyinka Abwaan Gaarriye Ee Hagarlaawe

0
322

Xabbaddii Waqooyiga ka bilaabantay 1988 ayaa gobollada oo dhan ku baahday 1989. Waxa laga kacay gobollada dhexe, Jubbada Hoose, Muqdisho iyo meelo kale. Ummaddii la iska hor-keeni jirey ayaa garbo-siman noqotay. Dabkii baa carriga wada gaadhay. Kolkaas buu keligii-taliyihii go’aansaday inuu mucaaridka hadal u furo. Adduun! Hadda waa nimankii uu “afarta injirta leh” odhan jirey. Maansadan Keena-diid waxa dulucdeedu tahay inaan wax wada-hadal ah ama dib-u-heshiisiin ah oo suurto-gelayaa jirin. Waxay dalbanaysaa in laba mid la soo galo: in xukunka la iska dhiibo iyo dirirtu sii socoto.

abwaan gaariye

Maansada dab baa laga helaa, duraha jiilaale

Dareenkiyo waxaa lagu shidaa, daacaddoo qudha’e;

Niman baa dubaalado macmaca, olol dugsoonayne

Mar haddaanay daynabo lahayn, diirsimaad

ma lehe.

Baqal waa dameer waana faras, daawashada guude

Isagoo dirkaba shaabbahuu, dooca gaar yahaye;

Geenyada nin doonaaba koray, looma awr-dayine.

Daridiyo Hadraawoow naxwaha, laaxinkaa dila’e

Kuma daro ninkii fara yaqaan, ararta deel-qaafe

Dhegtaa diidda meeshay xarfuhu, dalab ku yeeshaane.

Ragga laga dambeeyee murtida, daajiyaan ahaye

Dadku waa u weysaysan jirey, Deelleydaan furaye;

An daleeyo caawana miday, hadal ku daayaane

Dawi Ina Gurraasoow safruhu, Dubay ha geeyeene.

 

Kuwa samaha inay doonayaan, dunida gaadhsiiyey

Dar kaloon aqoon bay wiglada, ula dan leeyiine

Mindhaa Daado iigama fadhiyin, dib-u-heshiisiine;

Hadday nabadi doocaan ahayd, laysu dacareeye.

Waxa lala dardaarmaa qofkii, wax u dambeeyaane

Wuxu dayso leeyahay ma garan, Deex wedkii helaye.

Israa’iilna waa loo dalbaday, dabar-go’aygiiye

Mar haddaan doc ii nooli jirin, wawga darayaaye

Iyagaa dardaar-werin jiree, yaanay dacaroone.

Dab wax guba dabbaabad iyo jiib, doobta kaHiggooda

Inta dawlad taagteedu tahay, waa la ii dumaye;

Wixiiyoo dayuurado onkoda, nala dul gawdiidshay

Dhulka cidi ma daaqdeen siday, damacsanaayeene

Rabbi doobirtii iyo rag baa, lagaga doogaaye.

Sidii duur la gubay bay carrada, qaraf ku daareene

Lama-dego waxaa Herer ka dhigay, dil iyo laystaane;

Dabayl baa ka foodhiday Tog-dheer, degelladeediiye

Dummaddooda weeyaan wixii, moora-duug dhacaye.

Iyagaa khalqiga dayriyee, yaan la daydayine

Raggii calanka deyrka u ahaa, dide Cubeeshoowe

Kolkii loo dub-nixi waayey bay, dabarka goosteene.

Dubur iyo wuxuu Hawd ka galay, shicibku Daadayse

Dul-cad baa xeryaha looga dhigay, duluglahoodiiye.

Haddaanaan dagaalamin nafluhu, nama daneeyeene

Darmo lay fidshaa kama horrayn,dooraddaan dhigaye.

Dawo laguma raadsheen raggii, loo darraan jireye;

Dubbahaygi weeyaan hadduu, dumay gidaarkiiye

Intii baan dad ii soo shiriyo, daanya-qaad helaye

Intii baan dul-saarkii ka baxay, laygu duudsiyaye

Intii baa sidii dawladeed, lay dabbaal-degaye;

Digta kaaraheey geelayaga, doolay mahadsheene

Ducana nooma kicin jeer warmaha, laysku deeddamaye.

Dhibta waw dul leeyahay hadduu, ruux dan leeyahaye

Annakana diraacdiyo colkii, noogamay darine;

Ninna danabyadiisii ma tebin, haadku daaligaye

Daar iyo wixii maal burburay, duudsi baan qoraye.

Wixii daranba Geneyoow wax baa, kaaga sii darane

Intay daabka haystaan mindida, nololi waa duufe

Waxan duunyadaydii u hurey, mar ad is-daysaane.

Intaan nabadda daafacay haddaaan, col u daruureeyo

Mar horaan danteey gaadhi laa, Cali-durraanoowe;

Wakaa fooshay daalacan xaqeey, dedan ku sheeleene

Waxa deeqay warankii dhegtii, diidday waanada’e;

Goortii duduuciyo “kir”tii, lagala soo daalay

Loo gurey dameeruhu usheey, dabac-yaqaaneene.

Imminkay la deedaabayaan, dakharradaydiiye

Waa dabatadoodii waxaa, daadsan kaymuhuye;

Sidii deero lagu yeedhay bay, dabada jeedsheene

Dulucii islaamaha la eed, Ina Ducaaloowe.

Iyagoo “dig”teedii Tog-dheer, weli dedoonaaya

Oo doogihii Herer qabaan, Saylac soo dagaye.

Ummulaha kuwii dooxan jirey, Daalo laga saarye

Warku durug Kismaayana siday, ugu dalaabeene

Ka dabbaalan maayaan bad bay, dalaq yidhaahdeene.

Malmalkiyo dab-qaadkii sidii, laysu daba-qaaday

Waagii dillaacaba naxdinno, dihin ma waayaane;

Ma dambayso maantana hadday, Xamar ka dayrsheene

Intii horeba daaweey lahayd, daannadaan dhigaye,

Allaylehe haddaan doonnidii, qoomay dakhalkiiye.

Nin kastoo dambeedsadayba waa, laga dambeeyaaye;

Rag hadduu Dayuuroow laftiyo, duunka ka colloobo

Mid uun baa hadday deedamaan, “dugay” ka

raacdaaye,

Iyagoo dureertada ka jaban, dani hadday keentay

Waa guul Ilaah nala damcoo, loo dadaal-galaye.

Kolkaan shalay inoo daaya laa, nabaddan loo daabtay

Dannigooda may gelin mar baa, loo darsanayaaye;

Imminkay sidii doollar kacay, dahab ku raadsheene

Anna waxan dalluuntawgu riday, rag is-dareensiiye

Jeeroo dabkaygii wax gubay, layma soo dayine.

Daw baan u leeyahay haddii, doorkan lay tebeye

Waxaan degemsanaadaba markaan, diiray lay baraye

Inaan duulin karo layla arag, samahay diideene;

Goortaan ku daadduumiyey, “dala” yidhaahdeene

Waa dulin suntiisii la helay, maanta dabadeede.

Noomaysan daaheen hadday, duuli karayaane

Waxay dib u fadhiisteen kolkaan, “deeliyaa” idhiye;

Alla-doori tiiqtiiqsigii, door umuu dhaline

Gabbalkooda dumay waa shacbiga, waa u daalacaye

Anna wawga darayaa hadday, maanta dagan yiine.

Nimay noloshu deel-qaaf ku tahay, iima duur-xulo’e

Dhego waxay dalooleen intaan, dakharku weynaane;

Waa taan dubaaq loo lahayn, dela-wadhkaygiiye

Imminkana dillaacaan lahayn, meel dawaar maro’e.

Amba dhiig ma daadsheen haddii, daawo nooshahaye

Badh-daloolka iyagaa ka dhigay, diin la aammino e

Waxan dirir guddoonsaday markaan, waayey daw kala’e.

Dacalkaa Ilaah noogu xidhay, duul habaar qaba’e

Waa waxa dusuuddii guryaha, geystay meel darane.

Wuxuun baa hadday dawlad yiin, laysla dayi laaye

Ma oggola dad-weynuhu wixii, goostay daahyada’e.

Shilna wayna daan-weyn intay, duubka xidhan yiine

Dabaday ku qarin layd hadday, riyi dub leedaaye

Waxba yaan gal soodhkii dafiray, lagu ma-diidayne.

Wax dhaaxaan durraansaday Rabbigay, daraygay yaalliine

Dillo ma leh haddooy ii jabeen, naqas ka sii daaye

Dihan maayo caawana hadday, duco yidhaahdeene.

Iyagoo dareeriyo inay, dunidu ceeryoonto

Inoo doora labadaa mid dhaha, hadalki oo duuban.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here