waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile,
Gabaygan waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada geeska Africa ee muslimiintu degto, khaasatan Somaliland oo ka mida meelaha ugu daran ee abaaruhu ku habsadeen. Taariikhdii ugu horaysay ee gabayga la tiriyey bisha March 28/03/2016, Mar kale ayaa ducadii aan ku soo celino xaaladan adag ee jirta sannadka sannadkiisa 22/04/2017 Abaar baahsan.
- Degal ooman danyartoo dam tidhi, duunyada idlaatay
- Cirka aan daruur caad lahayn, darifyadii qaawan
- Duggaaga iyo duurjoog dugsigi, diin ka bixi waaye
- Shinbirihi ma duulaan cirkiyo , deli cufkoodiiye
- Daayimow risiqa samada yaal, dunida noolayso
- Suuratul ad’ daariyat adaa, dira malaa’iige
- Dabaylaha dulgeeyaan biyaha ,dhibica soo daata
- Adaa degal abaarsaday mar kale, doog ka soo bixine
- kuwa daayin sadarada shucara, dawga ku hanuunshay
- Ergo doonay eebbow baryada, kaama daalaniye
- Dirxi dhagax dhexdii nool adaan, daahna kaa qarrine
- Dad wuxuu tarraa wuu yaryahay, daalnay cararkiiye
- Biyo daabul booyado dhuraan , waa dar-leef waliye
- Adaa deeq makhluuqa u shubtaa, deeqi gebbigoode
- Adaa darif ka darif caalamkani, doone kuu yahaye
- Dulmiyada khalqigu uu gefana ,waa dulbadisaaye
- Dam kuwaad ka siisana adaa, daahrogoo nixine
- Adaa dabacsan ruuxii qalbiga, daacad kuu noqone
- Adaan deyn ka doonayn nimcada, deeqdo aadmiga e
- Adaa diin islaam noogu digay, dawga kii saxa’e
- Adaa nebbigi (scw) noo diray xaqaa, laabta noo dagaye
- Daalin weeyi shaydaan ninkaan, qabin digniintaase
- Danbi badane aadmigu wax badan, wuu dafirayaaye
- Adaan ruux danbigi toobay yidhi, diiday aan odhane
- Midkaad doonto ada diida oo, daayin baad tahaye
- Adigaan rabbow kuu dikriyi, oo dantay garane
- Adaa doonistaydana allow, daawo kaa sugiye
- Ducadaydan roob-doonadaan, kaa dalbanayaaye
- Dambidhaafna waan kaa rabnaa, dabacsanaantaaye
- Roob degalka maasheeya oo, daadku mulucyeeyo
- Midaan dannab wax laayiyo lahayn, dooxya nala booda
- Duhur iyo habeen caano da’a, oo dixaha maydha
- Midaan duunyo naga madhin dhulkana, doog mudh soo bixiya
- Derbiyada magaaladda mid aan, daarihii duminin
- Duufaan wax qaadiyo mid aan, wadan dabayl xoogle
- Waxaan doono eebbow adaan, diiq ku noqonayne
- Adaa doona aadmigu inuu, kaa dalbado khayre
- Roob doonay eebbow dadkii, way il daran yiine
- Degdegsiimo badanoow aday, kaa dib dhicin shay’e
- Allahayow ducada waan diree, dalabka noo oofi
Aamiin, Aamiin