– W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan
Allah ha u naxariistee Cali Mooge isaga oo sharraxaya sababtii uu ku dhashay gabaygan uu ugu wan qalay Caanamaal waxa uu yidhi: “Sannadkii 1994kii anigoo waagaa ka tirsanaa kooxda 4Maars ee aqalka ummadda ee Jabuuti, waxaan koox ahaan kaga qayb gallay annagoo ka socanna Jamhuuriyadda Jabuuti, bandhig-faneed caalamiya oo lagu qabtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka. Bandhiggaas oo ay ka soo qayb qaateen waddamo badan. Maalmahaas uu bandhiggu socday galab ka mida annagoo fadhina makhaayad ku taal golihii bandhigga waxa noo timid gabadh Soomaaliyeed. Gabadhaas oo markay maqashay warkayaga nooga timid magaalo halkaan joognay u jirta masafo dhan 150km. Gabadhaas waxa ka muuqatay daltabyo, jacayl iyo boholyow ay u qabto dalkii iyo ummaddii Soomaaliyeed. Annaguna runtii aad iyo aad baan ugu faraxnay oo qiiro ayey na gelisay. Wax yar kadib gabadhii, dhaqan aan wanaagsanayn oo ka fog kii lagu yaqaan hablaha Soomaaliyeed oo aad ii niyad jabiyey baan ku arkay. Maalintaas buu igu dhashay gabaygani.”
Abwaanku isagoo ku hal qabsaday xaaskiisii uu jeclaa summad amma astaanna uga dhigay haweenka soomaaliyeed ayuu ku farayaraystay gabaygan uu ugu wan qalay Caanamaal. Gabaygani si quruxi ka muuqato ayuu u qeexayaa quruxda, dhaqan-wanaagga, asluubta iyo kaalinta ay haweenkeennu kaga jiraan nolosha. Intii aan suugaan soo maqlay amma aan soo ururiyey, waa dhif gabyaa soomaaliyeed oo haweenaydiisa sidaa gabay ugu ammaanay, bal hadda aynnu wada dhuuxno murtida uu xambaarsan yahay gabaygu.
Khadra Cali Cismaaney geyaan, cugasho weeyaane
Rag cadaawihii waxa ka daran, caashaq kaa lumaye
Mid cidhiidhi iga saartayoo, ciiltiraad tahaye
Cawo iyo ayaan ii kulmiyo, caawiyaad tahaye
Caynaan iyo caqiibiyo nasiib, ii curtaad tahaye
Ciyi gabaygu maahee xaq baa, kuu cimaamadaye
Cali Mooge Geeddaan ahayoo, cidi hilmaamayne
An taariikhda kuu culo abwaan, caasi laga waaye
Cadraduhu ammaan uma sinnoo, midiba waa cayne
Cashi baa gabdhii qaar ku dhacay, cidhib la’aaneede
Inkastoonan caayeynin hablaha, calafku ii diiday
Nin canaantamaayaan ahoo, cadho gubaysaaye
Cambaaraynta ruuxii leh waa, lagu caddeeyaaye
Cidna lagama iibshee abuur, waa cilmi Ilaahe
Dar calaamo laga muujiyoo, ceeb gataa jira e
Is caddaynta waxay moodayaan, cayn horowmara e
Cudur bay ku duugeen jidhkii, caafiga ahaaye
Casri waxay u haystaan wajiga, caadaruurka lehe
Ceesaan orgiga dhaafsan baa, cawshay dhaqankiiye
Candha-gelin shisheeyuhu wataa, caashaq loo yahaye
Cartan iyo Carbaadhiya ma tihid, camalladoodiiye
Caasimaddii quruxdaad tahoo, cidiba gaadhayne
Afrikoo cirrooliyo carruur, ciidday baad tahaye
Cambarkii baddeennaa casoo, caaryey baad tahaye
Carrasame dalkeennoo tigaad, cayn xidhmaad tahaye
Hoobaan casaatiyo qadhaab, ciirayaad tahaye
Saddex qayd caddaanaad tihiyo, kuul cunaabiya e
Caruus laba daryaaloo farshaxan, loo cugaad tahaye
Gu’cillaantay, maal caafi dhalay, cuud-lisaa tahaye
Codcod iyo gadhoodhiyo dhitiyo, ciir-lulaa tahaye
Carruur daadahays iyo hab-bara, caana baad tahaye
Cashiiriyo xigaal, gacal-dhisiyo, cuur kabaad tahaye
Soddoh calan leh baad tahay haddaan, cidi masuugayne
Cimri dherer la qaybshiyo naftoon, cidi hurayn daaye
Kol haddaan caqliga kuu hormaday, caydh ma kulantaane
Caana-maalka ciiddiyo dhulkiyo, calanka mooyaane
Codkii waalidkeen iyo dhalasho, carrada mooyaane
Cadka dhaqanka xeerkiyo hiddaha, cidhibta mooyaane
Cidna kuguma doorsado intuu, cayn adduun yahaye
Waxaan gabayga caynkiyo laftiyo, cooddi uga yeelay
Culusay kalsoonida anaa, Ceebla’kuu idhiye
Ciddijiidi maayee runtuu, caasha ku hayaaye
Khadra Cali Cusmaaney jannada, Caadil kugu daa dheh.
Cabdalla Xaaji Cusmaan
Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr
Qalinleyda I © Weedhsan Corporation