GABILAY: Jewiga Caleemo-saarka Suldaan Lagu Boqray Deegaanka Caabudla Oo Kulmisay wejiyo Kala Duwan

0
181

“Golaha Dhaqanku Hadba Xukuumaddii Joogta Ayuu   Gacan Saar La Lahaa Illaa Xilligii Ingiriiska, Waana  Ku Ceeb In Salaadiintu Inta Ay Meel Isa Sootaagaan Yidhaahdaan…….”

Hargaysa(Hubaal):-Suldaan Ismaaciil Sheekh Cumar Xasan oo ka mid noqon doona salaadiinta Somaliland ayaa maalintii shalay  lagu caleemo-saaray Deegaanka Caabudla’ oo ka tirsan Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley. Caleemo-saarka Suldaankan cusub waxa ka qayb-galay Wasiirka Cadaalada Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadare, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayirada Degmooyinka Gabiley iyo Arabsiyo iyo Dadweyne aad u tiro badan. Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyey suldaanka cusub oo uuillaahay uga baryay in uu ka dhigo midkii lagu badhaadho hoggaamintiisa maadaama oo la boqray bilowga sanadka cusub ee islaamka “Waa sanad cusub, waa sanadkii islaamka, madashuna waa caleemo saarka suldaan cusub oo aanu leennahay illaahay ha ka dhigo midkii lagu badhaadho , sanadkan cusubna illaahay ha innooga dhigo sanad ay golaha salaadiinta iyo dhaqanka Somaliland noqdaana kuwo midaysan oo aan beel beel u kala fadhiyin waayo golaha dhaqanka Somaliland waxaa ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradda cadaaladaba u yihiin laf dhabar” ayuu yidhi wasiir Cadarre, waxaanu intaa ku daray “golaha dhaqanku hadba xukuumaddii joogta ayuu xidhiidh iyo gacan saar la lahaa, saladiiinta iyo cuqaashuna waxaa ay kamid ahaayeen golaha amniga iyo golaha cadaalladda illaa xilligii ingiriiska. Sidaas darteed salaadiinta waa ku ceeb in hadba inta ay meel isa sootaagaan yidhaahdaan  haddaanu reer Hebel nahay waxaanu taageeraynaa xisbi hebel, taasi waa ku ceeb oo way ka meeqaam sarreeyaan arrintaas” ayuu yidhi wasiirku. Waxaa iyaguna madasha caleemo saarka suldaanka cusub ka hadlay madax dhaqameed tiro badan. Ugu dembeyna madasha caleemo saarka waxaa  ka hadlay suldaanka cusub ee la boqrayay Suldaan  Ismaaciil Sheekh Cumar Xasan, waxaanu halkaa ka jeediyey hadallo isgu jira duco iyo mahad naq, “Illaaha halkan isugu keen keennay innagoo nabad ah ayaa mahad leh, mahadda labaad waxaa iska leh, dhammaan bulsho weynta halkan isugu timi”,. Ayuu yidhi suldaanka cusubi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here